Sidee ku billowday dagaalka Muqdisho?
Gudoomiyaha Degmada Marka ee Dowladda Soomaalia Max’ed Cismaan Jariisow oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay yar tahay Xariirka Wada Shaqeeyneed ee ay leeyihiin Maamulada Degmooyinka iyo Gobolka intaba.
Max’ed Cismaan ayaa sheegay in Maamulka u magacaaban Gobolka Shabellaha Hoose uu san Qaban howlihii loo soo magacaabay islamarkaana uu faraha ka baxay Amaanka Gobolka.
“Amni darada iyo Isbaarooyinka waxaa keenay Wada Shaqeeyn la’aanta,Mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha Ciidamada male wada Shaqeeyn”ayuu yiri Yariisoow.
Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa ka hadlay kulan amaanka looga hadlayo oo maanta ka dhacay Magaalada Marka ee Xaruunta Gobolka Shabellaha Hoose.
Yariisoow ayaa tilmaamay in kulan ka ay wada qaateen Maamulka Degmada,saraakiisha Ciidamada Soomaalia iyo kuwa AMISOM,kaas oo u jeedkiisa uu ahaa Xasilinta Gobolka.
Keydmedia online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments