Maamulka Idaacada Hornafrik “Nabar aad sugeysay naxdin maleh”

Muqdisho (Keydmedia) Agaasimaha iyo Agaasime ku xigeenka Idaacada Hornafrik ee Magaalada Muqdisho oo si wadajir ah uga hadlay talaabadii ay Alshabaab kula wareegeen idaacada ayaa waxa ay sheegeen in tani ay aheyd mid la filayay
News Keydmedia Online

“Nabar aad sugeysay naxdin ma leh, wey nala aheyd in mar uun ay Alshabab ay la wareegi doonaan idaacada hornafrik mana hakan doonto howshii Idaacada oo dadaal ayaan u gali doonaa sidii ay u socon laheyd” sidaa waxaa yiri Agaasime ku xigeenka Hornafrik Cali Qumeyni oo isagoo ku sugan Hargeysa la hadlay Saxaafadda.

“Waa sax oo qalabkii Hornafrik waa lala wareegay oo idaacada hadda hawada ayeey ka maqantahay xalay ayuuna dhacay falkaasi” sidaa waxaa yiri agaasimaha Hornafrik C/qaadir Jiirow Sharma’arke.

Waxa uu sheegay maamulka Hornafrik in sidoo kale qalabka la qaatay uu  ku jiro mid ay laheyd wakaalada warar Reuter oo ay wadashqeyn lahaayeen Idaacadda Hornafrik ee Magaalada Muqdisho.

www.keydmedia.net