Sidee ku billowday dagaalka Muqdisho?
Gudoomiyaha Degmada Max’ed Cismaan Yariisoow oo la hadlay Saxaafada ayaa sheegay in Laamaha Amaanka iyo Maamulka Degmada oo iskaashanaya ay Degmada ka Mamnuuceen in ay soo galan Gaadiidka Raaxada oo aan Maamulka Degmada ka diiwaan Gashaneyn.
Max’ed Yariisoow ayaa Xusay in Arintaas ay oga goleeyihiin Sugida Amaanka Degmada, oo xiliyada qaar ay ka dhacaan Falalka Amaandaro.
“Gaadiidka Raaxadaa inta badan waxaa lagu geeystaa Qaraxyada ka dhaca Dalka Soomaaliya,Magaalada Muqdisho Gaadiidka Qaraxyada lagu geeysto waa Gaadiidka yar yar,anagana si aan amaanka u xaqiijino ayaan ka hor tageeynaa Arintaas”ayuu yiri Yariisoow.
Gudoomiyaha Marka ayaa sidoo kale ugu baaqay Gaadiidka yar yar Dadka wata in ay is diiwaan galiyaan si Deg-deg ah,cidii Amarkaas qaadan weysana ay Tilaabo ka qaadi dooonan.
Waa markii ugui horeysay ee maamulka degmada Marka uu Amarkaan oo kale uu soo saaro si amaanka loo xaqiijiyo.
Keydmedia Online – Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments