Maamullo gudbiyey xubnaha ku matalaya guddiga doorashooyinka

Maamullada ayaa dib uga soo dhacay waqtigii looga fadhiyey iney xubnahan soo gudbiyaan.

Warar Keydmedia Online
Maamullo gudbiyey xubnaha ku matalaya guddiga doorashooyinka

Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbland ayaa usoo gudbiyey dowldda federaalka min Afar xubin oo ku metalaya guddiga doorashada iyo sidoo kale guddiga xallinta khilaafaadka.

Sidoo kale, wararka ayaa waxay sheegayaan in ay horey iyana usoo gudbiyeen xubnaha metalaya maamullada Galmudug iyo K/galbeed.

Maanta oo Khamiis ah ayaa la filayaa in maamulka Hirshabelle iyana dowladda usoo gudbiyaan xubnahii guddiyadan ku matala lahaa.

Jadwalka habraaca doorashooyinka ayaa u muuqda mid durba khilaafay dhabihii loo jeexay.

20-kii bishan ayeey ahayd in si rasmi ah loogu dhowaaqo dhismaha guddiyada doorashada iyo sidoo kale xallinta khilaafaadka, waxaana sida muuqata ay dib uga dhaceen waqtigii loo baahnaa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.