Maansada: Shurugdiid

Bashiir M. Hersi - Waa maanso kooban, oo ka faallonaysa xaaladda wadanku marayo, jalleeco sooyaalna aan ka marnayn, male iyo mutuhis ka dheer, waa xog iyo xaajo warran, tagtada tilmaamaysa, timaadadana ka digaysa, si aan loo marin hilin hore loogu hungoobay, kama marna hubsiimo...
Warar Keydmedia Online
Maansada: Shurugdiid

“Sahaydaadu waa dib, safarkaaguna waa hore” sidaa awgeed, waa ma hurto in qof walba intii awooddiisa ka hadlo, kana gaysto ayaaha umadda, ugu dambayn, aan idiin kala boxo idinka iyo maansada:

Maansada: Shurugdiid

  1. Shiinleeyda maan curin
  2. Suugaan ma kala shubin
  3. Murtidii ma shaahidin
  4. Shiribka iyo Guuroow
  5. Geeraar ma shaandhayn
  6. Shib waxaan iraahdo
  7. Shaama reer ahaado
  8. Inaan shiro gar weeyee
  9. Shaafiya dadweynaha
  10. Shishe iyo dul uga digo
  11. Waydiimo shaaciyo
  12. Shaacirkana su’aal faro
  13. Shanta magaca guudiyo
  14. Shacabkeena Soomaal
  15. Isku soo shamuumoo
  16. Bal shifaysta erayada
  17. Maansadan Shardiidkaa.
  1. Ninka sharraxanoow, joog
  2. Shabshablaha socdoow, joog
  3. Sheekh Camaamadlow, joog
  4. Oday Shaarubloow, joog
  5. Shayb madax cadoow, joog
  6. Shaqaaqada wadow, joog
  7. Shibbanaha xarafaha iyo
  8. Shaqallada dhigoow, joog
  9. Shafka ha u garaacine
  10. Shurug yuu ku raacine
  11. How Shareera tumanine
  12. Shirbaa Laashinoow, joog
  13. Shiinleey tirshoow joog
  14. Shiidaal sanoow, joog.
  1. Ha shigshigin hadhoow, joog
  2. Shoog yuu ku helin, joog
  3. Shaxdu waa qabyee, joog
  4. Wali lama shaqshaqine, joog
  5. Dabbaa wali shidane, joog
  6. Sheekaa dhimmane, joog
  7. Shawr baa harsane, joog
  8. Shirarbaa socdee, joog.
  1. Waxaan sheekada u xiray
  2. Uga sheelay qodobbada
  3. Shacab daallan baa jira
  4. Shukaansiyo xodxodashiyo
  5. Shufto iyo dullaal iyo
  6. Sheex laawe beentiyo
  7. Sharta kala hagaayoo
  8. Isku shubo awoodaha
  9. Kala sheela cududdoo
  10. Shisheeyaha kalkaaloo
  11. Shifo aanan keenayn
  12. Sheekadooda doonayn.
  1. Ma sheexoow adeer joog
  2. Ha shigshigin hadhoow, joog
  3. Shoog yuu ku helin, joog
  4. Shaxdu waa qabyee, joog
  5. Wali lama shaqshaqine, joog
  6. Dabbaa wali shidane, joog
  7. Sheekaa dhimmane, joog
  8. Shawr baa harsane, joog
  9. Shirarbaa socdee, joog.
  1. Sharcigiyo Dastuurkii
  2. Waa layska sheed maray
  3. Ninba sheekaduu rabo
  4. Ayuu shaar u geliyoo
  5. Ku shaaximay awooddiis
  6. Danihii shaqsiyadeed
  7. Shilimaad ku dhiibaa!
  1. Shalay kii la doortiyo
  2. Kii ka sii shisheeyiyo
  3. Midka sheedda joogaba
  4. Shansho qaawan mooyee
  5. Arag shibiqa mooyee
  6. Feker sheelan mooyee
  7. Garaad shuusha mooye
  8. Oogo Shalala mooyee
  9. Xoolo shabiya mooyee
  10. Sahan shabaqa mooyee
  11. Shamaag jeexan mooyee
  12. Shawr kale ma haayaan!
  1. Shiraystaha dadkoow, joog
  2. Shacab laayahoow, joog
  3. Ha shigshigin hadhoow, joog
  4. Shoog yuu ku helin, joog
  5. Shaxdu waa qabyee, joog
  6. Wali lama shaqshaqine, joog
  7. Dabbaa wali shidane, joog
  8. Sheekaa dhimmane, joog
  9. Shawr baa harsane, joog
  10. Shirarbaa socdee, joog.
  1. Iyadoo shakaalnayd
  2. Shanshadu jabnaydoo
  3. Lafaheedii shiilmeen
  4. Shax kalaa dig soo tiri
  5. Federal shirqool iyo
  6. Shacabkoo la oodoo
  7. Shabag lagu wareejiyo
  8. Shanta shalay ahayniyo
  9. Magaceenii sheegnaa
  10. Sharafta iyo qarankii
  11. Xidigtii shidnaydiyo
  12. Shaacii la damiyoo
  13. Shar la ooday baa yimid.
  1. Labadii shucayskiyo
  2. Isku raacday sharad li’i
  3. Shallaytay ka joogaan
  4. Shaki baa ku kala dhacay
  5. Shisheeyaa la kala faqay
  6. Shicibkiina kala guur
  7. Sullay kala shareerteen
  8. Midba gaar u shaxayaa
  9. Kan kalana ka shirayaa
  10. Isku sheeko maahoo
  11. Midba shaashad gaaruu
  12. Shaahidaa allaylkii.
  1. Toban shaarlahoow ,joog
  2. Ha shigshigin hadhoow, joog
  3. Shoog yuu ku helin, joog
  4. Shaxdu waa qabyee, joog
  5. Wali lama shaqshaqine, joog
  6. Dabbaa wali shidane, joog
  7. Sheekaa dhimmane, joog
  8. Shawr baa harsane, joog
  9. Shirarbaa socdee, joog.
  1. Roadmap nin sheegiyo
  2. Nin shaahiday xogteedoo
  3. Macnaheeda shaaciya
  4. Sharraxaa ma joogaa?
  1. Ma shirbaa? Ma shabaqbaa?
  2. Ma sheekaa? Ma shuhubaa?
  3. Ma xeer sharafta dhawroo
  4. Dawladnimo shafeecaa?
  5. Mise shaafto weeyoo
  6. Waa dabin la sheeliyo
  7. Shaxihii Maxmiyaddiyo
  8. Sheerkii gumaysigee
  9. Shalay aynu diidnay?
  1. Sharqi iyo qarboow joog
  2. Ha shigshigin hadhoow, joog
  3. Shoog yuu ku helin, joog
  4. Shaxdu waa qabyee, joog
  5. Wali lama shaqshaqine, joog
  6. Dabbaa wali shidane, joog
  7. Sheekaa dhimmane, joog
  8. Shawr baa harsane, joog
  9. Shirarbaa socdee, joog.
  1. Yaa Shacabka hagi kara
  2. Sharafna noo samayn kara?!
  1. Yaa Sharciga dabbaqi kara
  2. Dastuurkana shifayn kara?!
  1. Yaa Shareeco fari kara
  2. Shuhubkana dawayn kara?!
  1. Yaa shalay bogsiin kara
  2. Sharta yaa ka digi kara?!
  1. Yaa Shaqaale qori kara
  2. shirkadana hawadin kara
  3. Oo shaxaadka goyn kara?!

  1. Shaqalkeed nin badiyiyo
  2. Shiinkeed mid mariyoo
  3. Shiribka iyo maansada
  4. Shaacirkii yaqaanoow
  5. Sharraxoo bal noo sheeg
  6. Halka shacabkan loo wado?!
Dhammaad.

Bashiir M. Hersi
bdiraac@hotmail.com