Maanta yaa doorasho diid ah? Ma Farmaajo mise?

Farmaajo, waligiis hal maalin doorasho kama shaqeyn, haddana shaqsiga diiddan in doorashooyinka la dhameystiro, si degdeg ahna loo doorto Guddoonka Golayaasha iyo Madaxweynaha waa isaga, shan sano kadib, qof kasta wuxuu ku baraarugay maran habaabintiisii iyo beentii joogtada ahayd.

News Keydmedia Online
Maanta yaa doorasho diid ah? Ma Farmaajo mise?

MUQDISHO, Soomaaliya – Kooxda waqtigu ka dhamaaday ee Farmaajo iyo Fahad Yaasiin hoggaanka u hayaan, waxa ay shanti sano ee la soo dhaafay wadeen marin habaabinta bulshada aan u dhuun-duleelin siyaasadda, iyagoo adeegsanaya shaqsiyaad qarash la galiyay oo warbaahinta bulshada kala hadla shacabka.

Labadii sano ee la soo dhaafay, Farmaajo ayaa ahaa shaqsiga hirgalka doorashada seynta uga fadhiyay, hayeeshee, wuxuu xilliyo kala duwan sheegay isagoo qaldaya waaqica bulshada, in Mucaaradka iyo qaar ka mid ah Madaxda Maamullada, ay hor taagan yihiin in dalka laga qabto doorashooyinka.

Is weydiintu, waa “maanta yaa doorasho diid ah”? Sida qof kasta og yahay Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, waxa ay geed dheer iyo mid gaaban u koreen in Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal, aysan bixin wax shahaado ah, si aan loo aadin doorashooyinka Guddoonka Golayaasha Baarlamaanka.

Waxa ay kala jabiyeen Guddiga oo Xoghayihii Guud ee FEIT, Cabdiraxiin Cabdicasiis Aadan (Xiirane) oo ka mid ahaa shaqsiyaadka uu markii hore guddiga ku daray Fahad Yaasiin, ayaa isku dayay inuu qalalaase abuuro, isagoo Madaxtooyada u adeegaya, hayeeshee, qorshahaas ayaa fashil ku soo dhamaaday.

Madaxweynaha Koofur Galbeeed, Cabdicasiis Laftagareen, oo ah qabaanka ugu weyn ee Farmaajo, ayaa isna lagu qasbay in uu Xildhibaannada maamulkiisa ku amro in aysan ka bixi karin magaalada Baydhabo, inta Fahad Yaasiin, looga aqoonsanayo xoldhibaan, lana fasaxayo kuraasta Guddiga FEIT laashay.

Dhamaan kooxda ku xeeran Farmaajo, oo ay ugu horreeyaan, Cali Yare, oo Gobolka Banaadir ugu magacaaban, iyo Cabdiraxmaan Dheere oo NISA, u jooga, waxa ay muujiyeen dareenka Farmaajo ee doorasho diidka ah, waxayna si aan gambasho lahayn baraha bulshada ugu qorayaan diidmo qayixan.

Farmaajo, waligiis hal maalin doorasho kama shaqeyn, haddana shaqsiga diiddan in doorashooyinka la dhameystiro, si degdeg ahna loo doorto Guddoonka Golayaasha iyo Madaxweynaha waa isaga, shan sano kadib, qof kasta wuxuu ku baraarugay maran habaabintiisii iyo beentii joogtada ahayd.

Golaha Midowga Musharixiinta, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta, Rooble iyo qaar ka mid ah Madaxda Maamullada, ayuu ku eedeyn jiray in ay doorashsda lugaha ku dhagan yihiin, mar kale, waa is weydiine, maanta yaa doorasho diid ah? Ma Farraajo, Ma Rooble, Ma mucaarad mise Maamul gobolleedyo.

In ka badan 100 Xildhibaan oo labada Aqal isgu jirta, ayaa ilaa hadda qaatay shahaadooyinka Xildhibaannimo, taas oo ka dhigan in ay hadda jiraan xildhibanno rasmi ah oo ka tirsan baarlamaanka 11-aad ee JFS, waxaana la filayaan in berri la gaaro kooramka uu ku furmayo Golaha shacabka oo ah 139 Xildhibaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.