Maanta Hadal waa dhamaaday!

By Asad Yare - Ileen Wax kasta Geesinimo ayaa Qurxisa , ileen Wadaad aan Geesi aheyn wax ma taro, Ileen Ugaas aan aan Geesi ahaeyn wax ma taro, ileen Caaqil aan Geesi ahayn wax ma taro, ileen Maalqabeen aan Geesi ahayn wax ma taro...
Warar Keydmedia Online
Maanta Hadal waa dhamaaday!

Ileen Waayeel aan Geesi ahayn Wax ma taro, ileen Nin aan Geesi ahayn wax ma taro sidiisaba, Wax kasta oo sifo ah uu leeyahay haddii geesinimo nin ka maqan tahay Ninba ma ahan.

Waxaan u Baahanahay 100 Nin oo Debedda ka tagta oo Xamar gasha oo Calan cad Qaadata oo dhiigaas joojisa…. ANIGA AYAA KA KOW AH ….(1)

Waxaan Rabaa 100 Nin ugu Yaraan oo Diasbaro ah oo debedda ka tagta oo Calan Cad Qaadata oo Dagaalka Xamar soo Joojisa, Hurtana in ay Qoyskooda Debedda uga Tagaan ooy ka hormariyaan Nolosha Hooyadaas ooyeysa ee Qaxaysa.

Waxaan Rabaa 100 kaas Nin in ay Naftooda u huraan in Xamar lagu dilo ayagoo ku kala dhex Jira Hoobiyaasha la isku Ridaayo !!!

Haddaan Dhimano Laa Qadara Laah waxaan Hubaa in uu Dagaalkaas joogsanaayo oon Dhiigeenaas Hooyadaas ooyeysa ku Badbaadino … Waxaaan Rabaa 99 Qof oo Naftooda ila hurta oo Xamar ila aada !!! Liiska E-mailkayga ku soo gudbi magacaaga iyo Meesha aad joogto!!!

Maanta Hadal waa dhamaaday waxaan u Baahan nahay Ficil Adduunka ka wareeriya.

Waa in aan Hooyaddaas Sharafteeda Adduun soo Celinaa Soomaaliyey !!!!

IFKA HIBO KU NOOLOW AAKHIRO HALKII ROON !!!!

FII AMAANI LAAH

By Asad Yare - asad123yare@hotmail.com