Maxaa Rooble kahor taagan in uu qaado jidkii hore?

Warar Keydmedia Online

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, ayaa iska indho tiray mid ka mid ah waddooyinka ugu sahlan ee xal waara looga gaari karo muranka Siyaasiyiinta Soomaaliland.

Maxaa Rooble kahor taagan in uu qaado jidkii hore?

MUQDISHO, Soomaaliya – Dad badan ayaa rumeysnaa in qodobka ugu adag ee muddada dheer ku hor gudbanaa hirgalinta doorashooyinka uu ahaa khilaafkii u dhaxeeyay Axmed Madoobe iyo Farmaajo ee salka ku yahay kuraasta labada Gole ee Baarlamaanka JFS.

Hayeeshee, bishii May ee sanadkaan ayaa lagu baraarugay in culeyska qodobkaas uu sabateeda lahaa Farmaajo, kadib markii si fudud loogu xalliyay tabashooyinkii Axmed Madoobe, shirkii Golaha Wadatashiga ee soo gabagaboobay 27 May 2021.

Wixii markaa ka danbeeyay qodobka ugu adag, heshiiska doorashooynka wuxuu ahaa muranka ka dhex aloosan siyaasiyiinta Soomaaliland oo u kala jaban labo garab oo ay kala hoggaamiyaan Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Mahdi Guuleed Khadar.

Heshiiska doorashooyinka ee la saxiixay bishii May, qodobkiisa labaad waxaa looga hadlay, Xallinta khilaafka Guddiga maamulka doorashada Somaliland, Golaha Wadatashiga Qaranka ayaana go’aamiyay labo qodob oo kala ah;

  • Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ayaa ka masuul ah habsami usocodka Doorashooyinka Kuraasta Soomaaliland isagoo ka talo-galinaya Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka.
  • Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa soo magacaabaya 4 Xubnood oo ka mid ah gudigga maamulka doorashada ee kuraasta soomaaliland {SEIT}, hal xubin oo ah guddiga Maamulka doorashooyinka ee Heer Federaal ee Soomaaliland {FEIT} iyo xal xubin oo ah gudiga Khilaafaadka.

Si la mid ah Cabdi Xaashi, Mahdi Guuleed, ayaa xaq u lahaa inuu soo magacaabo tiro intaas la eg, taas oo dhibaato ku noqon lahayd in Guddiga maamulka doorashada Somaliland, ay iska dhex doortaaan Guddoomiye, maadaama labada dhinac mid kasta uu heli lahaa tiro isla eg oo lix xubnood ah.

Isagoo arrintaas ka fogaanaya Ra’iisul Wasaaraha Xil-gaarsiinta, ayaa labada dhinac ku qanciyay inuu mid kasta soo magacaabo kaliya afarta xubnood {SEIT}, isla-markaana uu isagu soo magacaabi doono saddex xubnood FEIT ah, kuwaas oo dhex dhexaad ah labada dhinacna ku wada kalsoon yihiin.

Garabka uu hoggaamiyo Cabdi Xaashi, ayaa ka biya diiday dhexdhexaadnimada xubnaha Rooble magacaabay, kadib markii ay ku lug yeesheen isdoorashadii Garabka Mahdi Guuleed, taas oo sababtay in iyaguna doortaan hoggaan gaar ah.

Cabdi Xaashi iyo Kooxdiisu, waxa ay dalbadeen in la hirgaliyo labo qodob midkood, si ay u dhacdo doorasho la isla oggol yahay.

  • In kaliya Sideedda xubnood ee ‘SEIT’ is doortaan, meeshana laga saaro saddexda Xubnood ee ‘FEIT’ ee Rooble magacaabay.
  • In muranka lagu dhameeyo is afgarad iyo heshiis dibadda ah, ka hor doorashada, iayadoo labada garab la kala siinayo Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeynka.

Qodobka koobaad, wuxuu u muqdaa mid aan macquul ahayn, maadaama xubnuhu isla egyihiin cod tiro dheeri ahna aan la heli karin, halka qodobka labaad, oo u muuqda xalka ugu dhow uu si cad u diiday RW Rooble, oo la rumeysan yahay inuu ku daaban yahay Farmaajo oo doonaya inuu boobo kuraasta Soomaaliland.

Hadaba sidee murankaan loo xalliyay doorashadii 2016?

Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii Xukuumaddii xilligaas, Maxamed Cumar Carte, ayaa holliyay inuu guud ahaan maamulo doorashooyinka kuraasta Soomaaliland, hayeeshee, muran xooggan oo arrinkaas muddo ka taagnaa, waxaa xalkeeda loo xil-saaray Maxamed Sh Cusmaan (Jawaari) oo ah waayo-arag muddo u soo shaqeynayay qaranka.

Jawaari, wuxuu ku guuleystay inuu macaabo, “Guddi Fulin” oo ka kooban tobodo odey oo kala ahaa; Jaamac Maxamed Qaalib, Xuseen Ceelaabe Faahiye, Axmed Saciid Faarax, Maxamuud Axmed Ismaaciil, Ciise Ducaale Buuni, Ibraahim Axmed Caabi iyo Cabdirisaaq Daahir Xuseen, isla markaana uu soo saaro habraac doorasho, oo hagaya doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Xildhibaanada Soomaaliland.

Marka laga yimaado AUN Xuseen Ceelaabe Faahiye iyo Axmad Xuseen Muuse, shanta kale geeri laguma oga, sidoo kale, waxaa jooga Maxamed Sh Cusmaan (Jawaari), Ra’iisul Wasaare Rooble, wuxuu sida cad iska indho tiray inuu odayadaas waaya-joogga ah wax ka weydiiyo arrinkaan isla-markaana maro jidkii hore, muranka siyaasiyiinta Soomaaliland-na ku xalliyo wadadaas ay ku xallisay Xukuumaddii Xasan Sheekh.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 10:10

Kaliya, Kooxda Fahad, waxa ay sheegeen in Maryan, xubno ka mid ah ehelkeeda ay ka mid yihiin Al-Shabaab, isla-markaana gabar caawiye u ahayd oo la yiraahdo Hodan ay u baxsatay dhanka Al-Shabaab, taas oo ilaa iyo hadda aysan u keenin wax caddeyn ah.