Macalimiin dugsi Qur’aan oo lagu dilay Sh/dhexe

Macalimiintan ayaa markii la dilayey ku subcinayey Qur'aanka Kariimka ah.

Warar Keydmedia Online
Macalimiin dugsi Qur’aan oo lagu dilay Sh/dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabellaha dhexe ayaa waxay sheegayaan in saakay aroortii ay rag hubeysan dileen Shan macalin dugsi qur'aan, xilli ay subcinayeen.

Falkan ayaa ka dhacay deegaanka Koogaar oo qiyaastii 50 km u jira degmada Cadalle ee Shabellaha Dhexe.

Goobjoogayaal ayaa Keydmedia Online u sheegay in macalimiintan ay subaca bilaabeen salaaddii subax ee saakay kadib, hase yeeshee ay si lama filaan ah kusoo galeyn goobtii lagu subcinayey dableydan hubeysan ee falkan geystay.

Macalimiinta la dilay ayaa kala ah:

1. Sheekh Daahir Xasan Cali Dheere
2. Macalin Maxamuud Canbuure
3. Macalin Maxamed Xuseen Axmed Cadaawe
4. Macalin Muqtaar Cabdullaahi Cilmi
5. Ow Muxumud Xasan Cali Dheere

Illaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysay dilka macalimiintan, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Shabellaha Dhexe.

Keydmedia Online

Commenting is not available in this channel entry.