Machadka Heritage oo ku baaqay in la baabi’iyo Guddiga doorashada

Warar Keydmedia Online

Machadka daraasaadka iyo siyaasadda ee Heritage ayaa ku baaqan in la baabi'iyo guud ahaan guddigii doorashada ee uu ku dhawaaqay dhawaan Ra'iisulwasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble. 

Machadka Heritage oo ku baaqay in la baabi’iyo Guddiga doorashada

MUQDISHO, Soomaaliya - Machadka daraasaadka iyo siyaasadda ee Heritage ayuu warbixin ka soo saaray doorashada Soomaaliya ee la filayo in ay qabsoonto dabayaaqada sanadkan sii dhammaanaya, warbixintan oo ka kooban 8 bog ayaa lagu daabacay Degelka guud ee machadka, waxaana cinwaan looga dhigay "DOORASHADA SOOMAALIYA HUFNAAN AYEY U BAAHANTAHAY

"Markii asbuucii hore uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya magacaabay Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashooyinka, dalka waxaa u soo hormartay tilmaan muujinaysa waxa laga fili karo doorashada soo socota ee baarlamaanka iyo midda madaxweynaha ee dalka, taas oo ah: dib ugu noqosho wax isdabamarin baahsan oo la mid ah doorashadii 2016-ka. Guddiga la yiri doorasho ayay qabanayaan waxaa ka mid ah saraakiil ka tirsan xafiiska Madaxweynaha iyo midka Ra’iisul Wasaaraha, saraakiil xafiisyada madaxda dowlad goboleedyada, diblomaasiyiin, saraakiil amni iyo shaqaale dowladeed". ayaa lagu yiri hordhaca warbixinta.

Dhallinyarada loo soo xulay in ay guddiga doorashada mar looga hadlayay warbixnta ayaa lagu yiri "Dadka hadda guddiyaasha doorashada loo magacaabay ma ahan oo kaliya inay yihiin dad madaxda kala duwan ku kala xiran, balse waa dad guddiyadaas loogu daray oo kaliya inay ka shaqeeyaan maslaxadda madaxda magacaabatay ee heer federaal ama heer dowlad goboleed". Magacaabista guddigan waxa ay ka hor imaanaysaa heshiiskii bishii September ay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyadu doorashada ka galeen, kaas oo tilmaamayey in dhinac kastaa uu magacaabi doono xubno dhexdhexaad ah oo dadka Soomaaliyeed kalsooni ku qabi karaan.

"Waxaa jira tilmaamo badan oo muujinaya in madaxda federaalka iyo kuwa gobolladu ay doonayaan inay mar kale doorashada u musuqmaasuqaan sidii doorashadii 2016-dii loo musuqay, iyagoo quud darraynaya inay guul ku gaari karaan boobka doorashada" ayaa lagu yiri warbixinta. Boobka iyo musuqa doorashadu waxa uu macno dilayaa hannaanka doorashada iyo dowladnimada, waxa uuna shacabka dhaxalsiinayaa inay ka quustaan dowlanimada iyo inay ka aamin baxaan inta siyaasadda ku jirta. Taasina waxay caqabad ku noqonaysaa dhisidda qaran dimuqraadi ah.

Khaladaadka kale ee hirgelinta doorashooyinka ku jira waxaa lagu tilmaamay in ay kamid yihiin lacagaha la dul dhigay musharraxa isku diiwaan gelinaya kuraasta Golaha shacabka ee Baarlamanka iyo weliba tan Aqalka Sare, lacagta la dul dhigay is diiwaan gelinta golaha shacabka oo keliya waxaa lagu sheegay $10,000 halka Aqalka sarena kor loo sii qaaday ilaa $20,000 ayaa laga dhigay, lacagtaasi oo aysan awoodin dadka u ordaya in ay xildhibaano noqdaan, waxaana lagu lagu dhiirri gelinayaa in la maal-gashado oo lacago deyn ah ay soo qaataan, hadhowna isaga bixiyaan "Markii xildhibaannadaas gobollada laga soo doortay ay Muqdisho soo gaaraan, si ay madaxweyne u doortaan, hankooda waxaa hagaya lacag ka uruursi musharrax kasta oo madaxweyne si ay u deyn baxaan" ayaa lagu yiri warbixinta, waxaana la sii raaciyay "Habkaan doorasho ee la qaatay waa mid ka dhar la’ isla xisaabtan, hufnaan iyo korjoogteyn lagu dhawrayo xornimada iyo xaaalnimada doorashada 2020-ka".

Awoodda madaxda dowlad goboleedyada inta ay gaarsiisan tahay ayaa lagu sheegay warbixinta "Sidii 2016- kii oo kale, madaxda dowlad goboleeyada ayaa la siiyay awood xad-dhaaf ah, gaar ahaan xulidda Aqalka Sare. Tusaale ahaan, madaxda dowlad goboleedyada waxay u diidi karaan qofka aysan rabin inuu xitaa u tartamo Aqalka Sare

Tusaale: Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Qoor Qoor waa madaxweynaha keliya ee dowlad goboleedyada ee sanadkii 2016 u tartamay kursi kamida kuraasta Aqalka Sare, sida uu aaminsan yahay waa la musuq maasuqay, waxaana la soo saaray Abshir Axmed Bukhaari oo ah Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Aqalka Sare, Qoor Qoor oo sanadkan hagaya Galmudug wuxuu ciil ula fadhiyaa meel Abshir Bukhaari oo isna doonaya in uu sanadkan soo laabto!

Warbixinta ayaa lagu soo gabagabeeyay Talo soo jeedin, ilaa iyo toddobo qodob ayuu machadka Heritage ku talo bixiyay:

  1. In guddiga Xallinta khilaafaadka iyo kan doorashada ee lag soo buuxiyay shakhsiyaad shaqaalo iyo taageerayaal isugu jira la kala diro, laguna beddelo guddi ay ku jiraan shakhsiyaad sumcad ku dhex leh bulshada.
  2.  In dowlad goboleed walba iyo Muqdisho laga sameeyo “Guddiga Hufnaanta”, lana siiyo awood ballaaran oo uu ku korjoogteeyo guud ahaan hannaanka doorashada.
  3. In madaxda dowlad goboleedyada waa inay ka waantoobaan inay muwaadiniinta u diidaan inay u tartamaan Aqalka Sare.
  4. In la sameeyo guddi heer federaal ah oo xalliya khilaafaadka, iyadoo la ogsoon yahay in doorashadni noqon doonto mid aad loogu muransan yahay. Xubnaha guddigan waa in lagu soo daro sharci yaqaanno (ay kamid ah yihiin khubarada shareecada)
  5. Xubnaha hey’adaha amniga, shaqaalaha rayidka ah (oo ay ku jiraan diblomaasiyiinta) iyo shaqaalaha madaxda federaalka kuwa goboleedka waa in laga mamnuuco inay guddiyadaas ku biiraan.
  6. Beesha caalamku ma ahan in la isticmaalo oo ay dhaqaale ku kabaan hannaankan aadka u musuqmaasuqan.
  7. Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey waa in ay ogaadaan doorasho la boobo inay Soomaaliya u horseedi karto colaad ayna dib u celin karto xasiloonida bilowga ah ee labaatanka sano la soo unkayey

Warbixinta Machadka Heritage oo dhameystiran waxaan kala socon kartaa halkaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.