Madaafiic lagu weeraray Itoobiyaan ku sugan Qansax-dheere, Baay

Madaafiicdan ayaa ahayd mid qalqal ku beertay dadka rayidka ah ee Degmada Qansax-dheere. 

Warar Keydmedia Online
Madaafiic lagu weeraray Itoobiyaan ku sugan Qansax-dheere, Baay

Al-shabaab ayaa weerar madaafiicda Hoobiyaha ah ku qaaddey saldhig ay ciidanka Itoobiya ku leeyihiin degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ugu yaraan 7 madfac ay ku dhaceen saldhiggaasi, waxaana lasoo sheegayaa in waxyeello ay kasoo gaartay Askar Itoobiyaan ah.

Inkastoo aan la ogeyn khsaaraha soo gaaray ciidanka Itoobiya inta uu la egyahay, ayaa dhanka kale la sheegayaa in iyaguna ay madaafiic kale ku jawaabeen.

Maamulka degmada Qansax-dheere ayaan ka hadalay weerarkan madaafiicda ah ee lagu soo qaaday degmada.

Ururka Al-shabaab ayaa xoojiyay weerarada ka dhanka dowladd federaalka iyo sidoo kale ciidanka AMISOM ee ku sugan gudaha dalka.

Inta badan weerarada ay Al-shabaab ka fuliyaan gudaha dalka ayaa sababta dhimashada iyo waxyeello kale oo soo gaarta dadka shacabka ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.