UK oo qorsheyneysa inay jarto Gargaarka ay siiso Soomaaliya
Wararka ayaa sheegay in ilaa iyo 10 Gantaal Al-shabaab ay ku Garaaceen Saldhig Ciidamada ay ku leeyihiin Bartamaha Magaalada Buulabarde.
Goobjoogeyaal ayaa Keydmedia online u sheegay in Madaafiicda ay geeystay Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac ah oo soo gaaray Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale Ciidamada AMISOM ayaa ka Jawaabay Madaafiicda Xalay Al-shabaab ay ku soo weerareen Saldhiga Degmada Buulabarde oo ay Gacanta ku hayaan Ciidamada Soomaaliya iyo AMISOM.
Tan iyo Markii Al-shabaab laga Saaray degmada Buulabarde ayaa waxaa ka dhacay Degmada Weeraro iyo Qaraxyo,Ayadoona La Xasuusto Qarax Ismiidamin ah oo Dad badan ay ku dhinteen uu ka dhacay Degmnada.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments