Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Madaafiicda ayaa waxaa ay ku soo dhaceen intooda badan Degmooyinka Hodan iyo Waabari ee Gobolka Banaadir, waxaana ilaa Dhawr Hoobiye ay ku soo dhaceen KM-4 iyo Wadada Shaqaalaha ee Muqdisho.
Waxaa sidoo kale kusoo dhacay Degmada Boondheere iyo Wardhiigley Madaafiic la sheegay in ay ku dhaawacmeen 3 Qof.
Khasaaraha ka dhashay Weerarka Hoobiyaashaa ee Magaalada Muqdisho lagu soo qaaday ayaan la sheegin ilaa iyo hada inta uu le egyahay, waqtiga oo Habeen ah owgeed.
Maleeshiyada Al-shabaab oo Warbaahinta Afkooda ku hadla Warsiiyey ayaa sheegtay in ay ka danbeeyaan Mas’uuliyada Weerarka Caawa, waxaana ay sheegeen in uu ujeedkoodu uu ahaa Madaxtooyada Soomaaliya iyo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments