Madaafiic Muqdisho lagu garaacay

Muqdisho (KON) - Waxaa Xalay Tiro Madaafiic ah lagu Garaacay Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, gaar ahaan Degmada Wadajir.
Warar Keydmedia Online
Madaafiic Muqdisho lagu garaacay

Dadka Degmada ayaa ku soo baraarugay Madaafiic tiro beeshay oo ku soo dhacaysa Degmada Wadajir, iyadoona aan la ogeyn halka laga soo tuurayay.

Hal Qof ayaa Geeriyooday 5 kalena wey ku dhaawacmeen sida ay noo xaqiijiyeen Dadka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir,waxaana Qofka Geeriyooday lagu sheegay Haweeneey Da'ah.

Waxaa sidoo kale jirta in Madafiic ay ku dhacday Ag gaarka Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde,inkastoo aan la ogeyn Khasaaraha ay geeysatay.

Ilaa hada macada halka laga soo tuurayay Madaafiicda iyo cida adeegsaneysay intaba, hase ahaatee waxa ay tani imaaneysaa iyadoo Dowladda ay qaaday talaabooyin lagu xaqiijinayo Amaanka

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho