Madaafiic Xalay ku soo dhacay Kismaayo

Kismaayo (KON) - Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa Xalay kusoo dhacay Bartamaha Magaaalda Madaafiic aan la garaneyn meel laga soo tuuray.
Warar Keydmedia Online
Madaafiic Xalay ku soo dhacay Kismaayo

Madaafiicdan ayaa inta badan wax khasaare ah gaysan in kastoo qaarkood la sheegay in dhinaca Xeebta ay u gudbeen.

Ciidamada Dawladda kuwa Maleeshiyaadka Raaskaanbooni iyo kuwa Kiinyaanka ah oo is kaashanaya ayaa maanta waxa ay hawl galo baaritaana ah ka wadaan Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Kismaayo gaar ahaana dhinaca Buulo Gaduud halkaasoo sida lagu soo waramayo baaritaana xoog badan aya ka soconayaan.

Waraysi lagala yeesheey Saraakiisha Ciidamada ee Gobolka aya ka gaabsaday in ay xaqiijiyaan Madaafiicdaas xalay Magaalada lagu garaacay cidda ka mas’uulka ah iyo dhibaatada ay gaysteen intaba.

Saraakiisha ayaa ku gaabsatay oo keliya in baaritaano ay ku samaynayaan arrimahaas dibna ay ka soo sheegi doonaan cidda ku lug leh iyo meelaha sida rasmiga ah looga soo tuuray.

Saraakiisha ayaa intaa ku daray in ay wadaan hawl galo baaritaana ah ee Nabadda lagu sugayo isla markaana ay joogteyn doonaan hawlaha lagu horumarinayo ammaanka guud ee Gobolka.

Si kastaba ma aha markii u horeeyay oo sidan oo kale Madaafiic loogu tuuro gudaha Magaalada Kismaayo kuwaasoo qaarkood hore ay khasaare u gaysteen.

Keydmedia Online - Xafiiska Kismaayo // Wadanka




Warar 25 November 2020 19:57

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay siyaasadda, hirgelinta Federaalka, amniga iyo qabashadda doorasho qof iyo qof ah oo uu balan-qaadey markii la doortay 4 sano kahor.