Taaliye Saadaq John oo is hortaagay fadhigii Baarlamanka
Waxaa daqiiqado kahor gaaray xerada Xalane madax ka socota Madasha Badbaado Qaran, halkaasoo lagu wado inuu ka dhaco shir deg-deg ah oo ay Madashu yeelaneyso.
MUQDISHO, Soomaaliya - Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Keydmedia Online ayaa tilmaamaya in goor dhaw uu ka furmi doono xerada Xalane Shir muhiim ah.
Madasha Badbaado Qaran ayaa kulan kuleh Hotel ku yaalla xerada Xalane, waxaana la filayaa in ay la hadlaan saxaafadda madaxa bannaan si ay u caddeyaan mowqofkooda ku aaddan arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka.
Guddoomiyaha Madasha Senator Cabdi Xaashi ayaa wax yar kahor kasoo gudbay koontaroolka Tiyaatarka Qaranka, halkaasoo lagu hakiyay wafdiga guddoomiye Cabdi Xaashi si uu uga qeyb galo shirka ay Madashu ku yeelaneyso saacadaha soo socda.
Ciidamada ammaanka ee Farmaajo ayaa bixiyay amarka in aan loo ogolaan guddoomiye Cabdi Xaashi iyo gawaarida galbineysa in ay ka gudbaan barta koontarool ee Tiyaatarka Qaranka hortiisa ah, waxaana daqiiqado kaddib guddoomiyaha loo ogolaaday inuu gudbo, si uu uga qeyb galo shira oo lafilayo in saacadaha soo socda uu ka furmo xerada Xalane.
Wixii wara ee kasoo baxa shirkaas halkan ayaan idinkugu soo gudbin doonaa, ee la soco
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments