Madasha Badbaado Qaran oo shir uga socdo Xerada Xalane

Madasha ay ku mideysan yihiin madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, midowga musharaxiinta iyo guddoomiyaha Aqalka Sare ee Badbaado qaran ayaa shir uga socdaa Xerada Xalane

Warar Keydmedia Online
Madasha Badbaado Qaran oo shir uga socdo Xerada Xalane

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharaxiinta, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ee ku mideysan Madasha Badbaado Qaran ayaa shir uga socdaa Hotel ku dhex yaal Xerada Xalane, iyagoo ka wada hadlay arrinta muddo kordhinta ee uu sameeyay Golaha Shacabka BJFS.

Kulankooda ayaa la filayaa inuu ka soo baxo war murtiyeed, iyadoo kulankaas kaddib qorshuhu yahay in madaxweynayaasha ladaba dowlad goboleed Puntland iyo Jubbaland oo safar ku joogay magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan wada-hadalladii Teendhada Afisiyooni ayaa dib ugu laaban doona magaalooyinkii ay ka yimaadeen ee Garowe iyo Kismaayo.

Waxay u muuqataa in uu meesha ka baxay kulankii ay ku cadaadinayeen Beesha Caalamka madaxda Soomaalida si guul looga gaaro arrimaha doorashooyinka, kaddib markii Golaha Shacabka uu ku dhawaaqay in muddadii loo kordhiyay Farmaajo iyo labada hay'adood ee dalka Baarlamanka iyo Xukuumadda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].