Madasha Badbaado Qaran oo war ka soo saartay muddo kordhinta

War ka soo baxay, Madasha Badbaado Qaran ayaa lagu sheegay inay qaadeyso tallaabo kasta oo lagu joojinayo muddo kordhinta sharci darada ah ee masiirka dalka lagu afduubayo, sida ay hadalka u dhegeen.

Warar Keydmedia Online
Madasha Badbaado Qaran oo war ka soo saartay muddo kordhinta

MUQDISHO, Soomaaliya – Kulan maanta ka dhacay xerada Xalane, ka hor inta aysan magaalada Muqdisho ka amba-bixin Madaxweynayasha Maamullada Puntland iyo jubbaland, oo u dhexeeyay xubnaha Madasha Badbaado Qaran, ayaa lagu sheegay in looga hadlay muddo kordhinta iyo sida dalka looga samata bixin lahaa xaaladaha cakiran ee Farmaajo galyay.

Kulanka maanta waxaa laga soo saaray Afar qodo, kuwaas oo ugu danbeyn lala wadaagay saxaafadda, qodobada ayaa kala ah;

  • In aysan waxba ka jirin muddo kordhinta loo sameeyay Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
  • In go’aanku uu halis ku yahay xasilloonida, nabadda iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.
  • In go’aankaas yahay isku day lagu hor istaagayo, dadaalladii lagu baadi goobayay doorasho heshiis lagu yahay iyo meel marinta heshiiskii 17-kii September.
  • In Madashu iyadoo la tashaneysa bulshada ay ka hor tageyso muddo korrdhinta, waxayna Madhashu ka shaqeyneysaa sidii xal loogu heli lahaa maareynta xilliga kala guurka.

Siciid Cabdullahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanya ka dhoofay Muqdisho, waxaana hadda Magaalada isugu soo haray Golaha Midowga Musharixiinta, Midowga siyaasiyiinta soomaaliland iyo Kooxda Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.