Madasha oo taageertay hadalka Cabdi Xaashi

Villa Soomaaliya ayaa isku dayaysa in ay afduubta doorashooyinka, si Farmaajo mar labaad u noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Madasha oo taageertay hadalka Cabdi Xaashi

MUQDISHO, Soomaaliya - Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa taageeray hadalkii Cabdi Xaashi, afhayeenka Aqalka Sare ee ku aadan faragelinta Maamulka Farmaajo uu ku hayo dhismaha gudiga doorashadda Xildhibaanada HirShabeelle.

Madasha ayaa qoraal ay soo saartey ku sheegtay in Cabdi Xaashi uu yahay shaqsi mudan in lagu tixgeliyo hanaanka soo xulista gudiga maamuli doono doorashadda Kuraasta gobollada Waqooyi.

DF ayaa doonaysa inay dhisto gudiga, si ay saameyn ugu yeelato cida kusoo baxay doorashadda, waxaana taasi u arkaan siyaasiyiinta uu Cabdi Xaashi ku jiro faragelin lagu boobayo xaqa matelaadda Somaliland ee BF.

Cabdi Xaashi ayaa u diray Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Rooble warqad ku taariikheysan 1-da Novembar, oo ugu sheegay inaysan sax ahayn in DFS ay magacowdo guddiga Somaliland, iyadoo Maamul Goboleedyada loo ogolaaday inay iyagu magacaabaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.