Madasha xisbiyada: Guddiga doorashada halagu daro saamileyda siyaasadda

Madasha xisbiyada qaran ayaa dalbatay in saamileyda siyaasadda qeyb laga siiyo xubnaha guddiga doorashada ee lasoo dhisi doono.

Warar Keydmedia Online
Madasha xisbiyada: Guddiga doorashada halagu daro saamileyda siyaasadda

Madasha xisbiyada qaran ayaa soo saartay baaq ku aaddan doorashooyinka la filayo in dalka ay ka dhacaan, iyo sidoo kale guddiga doorashooyinka ee lasoo dhisi doono.

Ugu horreyn, madasha ayaa soo dhoweysay dhammaan qodobadii kasoo baxay shirkii kusoo idlaaday magaalada Muqdisho ee u dhaxeeyey dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

War-saxaafadeedka ay soo saareen madasha xisbiyada ayaa lagu baaqay in dhammaan saamileyda siyaasadeed laga qeybgeliyo guddiga doorashooyinka.

Waxaa kaloo qoraalka madasha lagu sheegay in loo baahan yahay sameynta guddiga xalinta khilaafaadka iyo in la helo kormeerayaal caalami ah.

Madashan waxaa ku kulansan xisbiyo siyaasadeed oo qaarkood ay hoggaaminayaal madaxweynayaal hore.

Keydmedia Online

Commenting is not available in this channel entry.