Madasha Xisbiyada Qaran oo ku baaqay in shirka Muqdisho la ballaariyo

War saxaafadeed ka soo baxay Madasha ayaa loogu baaqay dowladda Soomaaliya in shirka looga hadlayo arrimaha  doorashooyinka laga qeyb gelayo dhamaan dhinacyada saamileyda.

Warar Keydmedia Online
Madasha Xisbiyada Qaran oo ku baaqay in shirka Muqdisho la ballaariyo

MMUQDISHO, Soomaaliya - Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ugu baaqday Madaxweynaha Dowladda Federaalka inuu Shirka Muqdisho noqdo mid ay goobjoog ka yihiin dhammaan dowladaha xubnaha ka ah DF, si looga gudbo khilaafka harreeyay hannaanka doorashada 2020, looga gaaro go'aanno kama dambeys ah oo loo dhan yahay.

Madasha ayaa soo jeedisay in dib u eegis lagu sameeyo qaar ka mid ah qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb 3.

Sidoo kale Madasha ayaa ku baaqday in la ballaariyo gogosha looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka dalka, laguna casuumo hoggaanka Ururada Bulshada Rayidka iyo Xisbiyada Siyaasadeed, si looga feejignaado wax kasta oo keeni kara khilaaf.

Magaalada Muqdisho waxaa muddo shan cesho ah ku sugan madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland, kuwaaas oo u imaaday in ay wada hadal la galaan madaxweyne Farmaajo, balse waxaa jiro qodobo la isku mari la'yahay oo ku hor gudboon kulamada dhinacyadaan.

Dhinaca kale Magaalada Muqdisho waxaa ka bilowday kulamo ay yeelanayaan qaar ka tirsan madaxda dowlad goboleedyada iyo Axsaabta Mucaaradka kuwaas uu madaxweyne Farmaajo u arko in ay dhabar jab ku yihiin hankiisa siyaasadeed ee muddo kororsiga.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.