Madaxda DFS oo ka hadlay geerida Cali Khaliif

Waxay madaxda DFS u tacsi u direen dhammaan shacabka Soomaliyeed.

Warar Keydmedia Online
Madaxda DFS oo ka hadlay geerida Cali Khaliif

Madaxda sare ee DFS ayaa qoraal wadajir ah ugu tacsiyeeyay geeridii ku timid ra'iisul wasaarihii hore ee dalka, Cali Khaliif Galeyr.

Qoraalka ayaa sidan u qornaa:

Madaxweynaha Dowladda  Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo,guddoomiyaha golaha shacabka ee barlamaanka  Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ,guddoomiyaha golaha aqalka sare ee barlamaanka Soomaaliya Cabdi xaashi Cabdullaahi iyo Ra’isul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii naxtin leh ee ku timid Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Allha ha naxariistee Cali Khaliif Galeyr oo maanta ku geeriyooday magaalada Jig jiga ee dowlad deegaanka Soomaalida etoobiya.

Madaxda qaranka ayaa uga tacsiyadeeyay qoyska,ehelada iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxaamka waxaana alle ay baryeen inuu naxariista janna ee ka waraabiyo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.