Golaha Wadatashiga Qaranka oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa kulanka ka qeyb galay, waxaana looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin hannaanka doorashooyinka, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Warar Keydmedia Online
Golaha Wadatashiga Qaranka oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Muqdisho, Soomaaliya- Wafdi heer sare ah oo ka socday Qaramada Midoobay oo ay hoggaamineysay Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee QM Amina Jane Momamed ayaa maanta oo Axad ah la kulmay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa kulanka ka qeyb galay, waxaana looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin hannaanka doorashooyinka, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Madaxweynayaasha Maamuladda Hir-Shabeelle, Puntland iyo Jubbaland oo aan ku sugneyn Muqdisho ayaa kulanka uga qeyb galay qaab fogaan arag ah, halka ay goobjoog ka ahaayeen Madaxweynayaasha labada maamul ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Wafdiga ay hoggaamineyso Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee QM Amina Jane Momamed ayaa saacado ka hor kulan la yeeshay Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo.

Macluumaadka laga helayo Shirka ayaa sheegaya in wafdigan ay doonayeen inay xaliyaan khilaafka maalmihii dambe cirka isku sii shareeyay ee u dhaxeeyay Farmaajo iyo Rooble, oo ku aadan caddaalad u raadinta Ikraan, balse Farmaajo ay ku tahay utin ku taagan warka gabadhaas isaga iyo Fahad Yaasiin.

Sida ay KON, hore u baahisay, Farmaajo geed dheer iyo mid gaaban ayuu u kore doonaa si uu eedeysanayaasha uu hoggaaminayo Fahad Yaasiin uga badbaadiyo gacmaha sharciga, wuxuuna qarash kasta u huri doonaa in la daboolo kiiska Ikraan Tahliil, oo tan iyo 26-kii Juun ku maqan gacanta NISA.

Farmaajo, ayaa hore masuul uga ahaa burburka, wadahadallo masiiri ah, waxaana la filayaa inuu adeegsado baarlamaankii hore, si ay u soo saaraan go’aanno sharcidarro ah taas oo abuuri karta in mar kale Muqdisho marti galiso isku dhac ciidan.  

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.