Madaxda ku shirsan Villa Somalia oo heshiis gaaray

Heshiiskan ayaa qeyb ka ah heshiisyadii doorasho ee horey u wada-gaareen dowladda federaalka, gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedyada.

Warar Keydmedia Online
Madaxda ku shirsan Villa Somalia oo heshiis gaaray

Wararka ay Keymedia Online ka helayso madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in madaxweyne Farmaajo, madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ay heshiis horudhac ah gaareen.

Hehiiskan ayaa yimid kadib kulamo socday saacado badan oo ay yeesheen madaxdan, waxaana la isku fahmay arrimaha doorashooyinka iyo sida ay wax u dhacayaan.

Waxyaabaha sida horudhaca ah loogu heshiiyey ayaa ah, dhismaha guddiga doorashada ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed iyo guddiga xallinta khilaafaadka.

Waxay madaxdan sidoo kale isku raaceen in la qabto doorashada aqalka sare, taasi oo bilaaban doonta dhammaadka October ilaa horaanta November ee 2020.

Sidoo kale, doorashada xildhibaannada golaha shacabka ayaa ugu dambeyn lagu soo gabagabeyn doonaa bisha January ee 2020.

Madaxdan ayaa kulamo kale isugu imaan doona kuwaasi oo joogto noqon doono, si loo dar-dargeliyo qabsoomidda doorashooyinka, kuna dhacaan waqtigooda saxda ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.