Madaxda maamul goboleedyada oo kusoo wajahan Muqdisho

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ayaa lagu wadaa in ay maanta soo gaaraan magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb galaan shirka golaha wadatashiga qaran ee uu iclaamiyay RW Rooble

Warar Keydmedia Online
Madaxda maamul goboleedyada oo kusoo wajahan Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed ee dalka ayaa lagu wadaa in ay maanta soo gaaraan magaalada Muqdisho, halkaas oo ay kaga qeyb gali doonaan shirkii golaha wadatashiga qaran ee uu ku dhawaaqay Ra'iisul Wasaare Rooble inuu qaban doono maalinnimada berri ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 26 Juun.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Jimce ah kusoo wajahan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho si uu uga qeyb galo shirkaas oo ay macquul tahay in uu dib uga dhaco hal maalin, maadaama uu kusoo aaday maalinta munaasabadda madax-bannaanida gobollada Waqooyi ee dalka 26 Juun.

Waxaa iyana la filayaa inuu soo gaaro maanta magaalada Muqdisho, madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Qoorqoor oo isna kasoo kicitimi doona magaalada Dhuusamareeb xarunta dowlad goboleedka Galmudug. Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Axmed Madoobe iyo Cabdicasiis Laftagareen ayaan weli la shaacin in ay maanta imaan doonaan magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ku maqan dalka dibaddiisa, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin xilliga uu kusoo aaddan yahay imaashiyihiisa, haddana waxaa la filayaa inuu kasoo qeyb galo shirka kaddib markii ay soo dhammeystirmaan madaxda dowlad goboleedyada qeybta ka ah golaha wadatashiga qaran.

Shirka la filayo in ay yeeshaan Golaha ayaa qorshuhu yahay in wax badan looga hadlo arrimihii doorashooyinka la xiriiray ee lagu heshiiyay May 27, wixii ka qabsoomay iyo haddii ay jiraan caqabado hortaagan waxa soo socda ayaa la isweydiin diinaa sida qorshuhu yahay, Keydmedia Online ayaa ogaatay in ay jiraan qodobo la doonayo in wax laga baddalo heshiiskaas oo ay ugu horreysao muddada doorashada lagu qaban doono oo ay ka harsantahay muddo hal bil ah sidii lagu heshiiyay 27-kii May.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.