Madaxda Soomaaliya oo lagu canaantay dib u dhacyada doorashadda

Mudo ku dhaw shan bilood ayay jiitamaysaa doorashadda, waxaana dib u dhacyada ay noqdeen kuwa iska socda oo aan dhamaan lahayn.

Warar Keydmedia Online
Madaxda Soomaaliya oo lagu canaantay dib u dhacyada doorashadda

MUQDISHO, Soomaaliya - Wakiiladda dalalka Beesha Caalamka ayaa ku canaantay Madaxda Soomaaliya dib u dhacaya iyo daaha doorashadda Baarlamaanka, oo sanadkan oo dhan soo jiitmaysay.

Qoraal ay Shalay si wadajir ah usoo saareen ayay ugu baaqeen Madaxda inay dedejiyaan doorashadda, islamarkaana ay ku dhameeyaan mudada ka harsan sanadkan 2021-ka.

Waxay ku baaqeen in ay noqoto doorashadda Aqalka Hoose mid loo dhan yahay, oo hufnaan, islamarkaana waafaqsan heshiiskii Sep 17 iyo midkii May 27 ee lagu gaarey Muqdisho.

Safaaradda Mareykanka ayaa luuqad adag kula hadashay Madaxda shanta Maamul Goboleed, oo ay ka dalbatay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu qabto doorashadda Gollaha Shacabka.

Waxay sheegeen Safiiradda ajnabiga in aan loo sii dulqaadan doonin dib u dhaca iska socda ee doorashadda, oo la filayay in sanadkan horaantiisa la qabto, balse sanad qaadatey.

Madaxweynaha Galmudug Qoor-Qoor oo xaalad dagaal ku jira ayaa loogu baaqey inuu labada Kursi ee Aqalka Sare doorashadooda qabto, si loo sii guda galo mida Aqalka Hoose.

Hanaanka doorashadda Soomaaliya ayaa noqday midka ugu daba-dheer caalamka, maadaama aan horey Taariikhda u dhicin in doorasho baarlamaani ah ay qaadato mudo hal sano ah.

Tani waxay qeyb ka tahay fashilka Farmaajo, oo dalka geliyay marxalad jahwareer ah markii mudo-xileedkiisu dhamaadey Feb 2021, isagoo isku dayay inuu afgembi talada ku qabsado.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 December 2021 10:33

Tallabooyinkaan oo dhan waxa ay daaha ka qaadayaan in Mareykanku ka cagajiidayo xasillinta siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya, isla-markaana uu baasiin xaaladda ku sii bilbilayay ku dhawaad shanti sano ee la soo dhaafay, si uu difaac ugu noqdo Fahad Yaasiin.