Madaxda ugu sarreysa dalka oo kulan Xasaasi ah yeeshay

Madaxweynaha JFS, Ra'iisulwasaaraha Xukuumadda iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa kulan saddex geesood ah ku yeeshay Villa Soomaaliya, xilli lagu jiro waqti kala guur ah oo dalku isku diyaarinayo in uu doorasho aado.

Warar Keydmedia Online
Madaxda ugu sarreysa dalka oo kulan Xasaasi ah yeeshay

MUQDISHO - Soomaaliya: Kulankan dhexmaray Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cbadiraxmaan Mursal iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qeyb ka ahaa kulamo is-daba joog ah oo maalmihii lasoo dhaafay ku dhaxmarayay madaxda ugu sarreysa dalka xarunta Villa Soomaaliya.

Wararka laga helayo shirkaas ayaa waxay tilmaamayaan in is-mari waa uu ka jiro magacaabista golaha wasiirada ee la doonayo in uu soo magacaabo Ra'iisulwasaare Rooble oo haysta muddo xileed aad u yar, culeyska ugu badan wuxuu ka jiraa ballan-qaadyo loo sameeyay qaar kamida xubnaha wasiirada ee imika sii haya shaqada horayna u ahaa wasiirro kuwaasoo loo ballan qaaday in aysan dhaceen, oo dib loo soo celin doono, waxaa kaloo jira xildhibaano loo ballan qaaday in ay kasoo muuqan doonaan golaha wasiirada cusub ee la filayo in lagu dhawaaqo toddobaadkan gudihiisa.

Fulinta ballan qaadyada is diidan iyo rabitaanka saddexda mas'uul oo qof kasta oo iyaga kamida uu doonayo in uu saaxiibkii soo saaro saaxadda golaha wasiirada ee cusub ayaa waxay dib u dhigayaan magacaabista golaha wasiirada.

Waxaa horay waqti ka badan intii dastuurku ogolaa in lagu soo magacaabo Ra'iisulwasaaraha qaatay madaxweynaha oo ay ku adkaatay in uu ku soo magacaabo Ra'iisulwasaaraha JFS muddo soddon cisho ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.