Madaxii dilalka Al-Shabaab oo la qabtay

Howlgalka ayaa ka dhacay Guri ku yaalla degmada Wanlawayn, oo qiyaastii 90-KM dhanka Waqooyi Galbeed uga beegan magaaladda Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Madaxii dilalka Al-Shabaab oo la qabtay

WANLAWEYN, Soomaaliya - Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ayaa xalay weerar ku qaadey guri ku yaalla degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo ay ku qabteen hogaamiye Al-Shabaab u qaabilsanaa dilalka qorsheysan.

Sarkaal katirsan DANAB, ayaa u xaqiijiyay Keydmedia Online in gacanta lagu dhigay Maxamuud Maxamed oo loo yaqaaney [Sheekh Cali], kaasoo loo soo qaadey magaaladda Muqdisho, laguna wareejiyay NISA.

Ciidanka ayaa qaadey duulaanka kadib markii ay heleen xog ku saabsan in horjoogaha uu si dhuumaalaysi ah kusoo galay degmada, kadibna uu ku sugan yahay ay degan yihiin qoyskiisa, waxaana howlgalka la sheegay inuusan dhiig ku daadan.

Al-Shabaab kama hadlin qabashada madaxeedii dilalka, laakiin waxay noqonaysaa dharbaaxo kale oo ku dhacday awooddii Kooxdan xagjirka ah, ee dhibaatooyinka ku hayso dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.