Madaxtooyada oo loo magacaabay Agaasime Cusub

Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo horey u ahaa agaasime ku xigeenka Warfaafinta ayaa hadda loo dalacsiiyay Agaasimaha waaxda Warfaafinta madaxtooyada. 

Warar Keydmedia Online
Madaxtooyada oo loo magacaabay Agaasime Cusub

MUQDISHO, Soomaaliya - Agaasimaha cusub ee waaxda Warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya ayaa loo magacaabay Cabdurashiid Maxamed Xaashi kadib wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Magacaabista Cabdirashiid ayaa timid kadib markii Agaasimihii hore ee madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmad loo dalacsiiyay Agaasime ku xigeenka guud ee Villa Soomaaliya.

Cabdirashiid ayaa horey u ahaa agaasime ku xigeenka waaxda Warfaafinta, waxaa uuna ka mid yahay howlwadeennada si aadka ah ugu dhow Madaxweyne Farmaajo.

“Waxaan Agaasimaha cusub u rajaynayaa guul iyo inuu masuuliyaddiisa u guto si xilkasnimo leh, aniga oo Ilaahay uga baryaya inuu u fududeeyo xilka culus ee loo igmaday” ayuu yiri Cabdi Nuur Maxamed Axmed oo ah agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Somalia.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.