Madaxtooyada oo Mucaaradka kaga adkatay doorashadii Cirro

Maxamed Xasan Cirro ayaa loo doortay gudoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya ka dib doorasho maanta ka dhacday Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Madaxtooyada oo Mucaaradka kaga adkatay doorashadii Cirro

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Federaal, FIET, ayaa guddoomiyaha Guddga u doortay Maxamed Xasan Cirro, kaas oo wareeggii labaad ee tartanka ka adkaaday Liibaan Maxamed Xasan.

Waxaa xilka Guddoomiyaha ku tartamay illaa shan Musharax, kuwaas oo kala ah; Liibaan Axmed Xasan, Maxamed Xasan Cirro, Cabdicasiis Yuusuf, Maxamed Muuse iyo  Cabdi Xiis Aadan, waxayna guushu raacday Maxamed Xasan Cirro, oo horay u ahaa Gudoomiyaha guddigii lagu muransanaa ee doorashooyinka.

Doorashadaan oo ka dhacday Hoolka weyn ee Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho, ayaa la soo warinayay in loo adeegay daqaalo ka yimid Madaxtooyada Soomaaliya, si Maxamed Xasan Cirro loogu sii hayo kursigii uu horay muranku uga galay.

Doorashada oo ay agaasin ka ahaayeen Guddiga Farsamada ee isku xirka howlaha doorashada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayaa la xaqiiyay in Madaxtooyadu ku lug lahyd taas oo sababtay in Cirro mar kale majaraha u qabto guddiga doorashooyinka.

Xubno ka mid ah Midowga Musharixiinta oo uu hogaaminayay Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, aya la rumeysan yahay in ay garab taagnaayeen Liibaan Maxamed Xasan kaas oo kaliya afar cod looga adkaaday.

Sida la saadaalinayo doorashadaan ayaa hordhac u ah doorashooyinkii ugu musuqa badnaa taariikhda Soomaaliya, oo dhawaan ka billaaban doona guud ahaan Koofurta dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.