Villa Somalia oo dalbatay Kulanka Farmaajo iyo Tshisekedi

Sida ay xaqiijisay madaxtooyada Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo, madaxtooyada Soomaaliya ayaa codsatay kulanka labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Koongo

Warar Keydmedia Online
Villa Somalia oo dalbatay Kulanka Farmaajo iyo Tshisekedi

MUQDISHO, Soomaaliya - War qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxdweyne Félix-Antoine Tshisekedi Tshilombo ahna guddoomiyaha Midowga Afrika uu saaka qabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Maxamed Farmaajo  wuxuu u yimid inuu si fool ka fool ah ula kulmo Guddoomiyaha xilligan ee AU Félix-Antoine Tshisekedi Tshilombo" ayaa lagu yiri qoraalkan, inkastoo dowladda Soomaaliya ayasan si rasmi ah uga hadlin safarka madaxweynaha iyo ujeedadiisaba, haddana madaxtooyada Koongo waxay sheegtay kulanka inuu ahaa codsi ka yimid dowladda Soomaaliya "Kulanka wuxuu ahaa codsi ka yimid madaxtooyada Soomaaliya in booqashadan shaqo loo abaabulo.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ayaa qaabilaya cadaadis iyo culeysyo hor leh kuwaasoo kaga imaanaya muddo kororsiga labada sano ah ee uu Golaha Shacabka BJFS usameeyay isaga iyo hay'adaha dowladda, madaxweynaha ayaa intuusan safrin maalin kahor waxa uu la shiray xubnaha wakiilada Beesha Caalamka iyagoo u sheegay mowqifkooda ku aaddan in aysan marnaba aqbali karin muddo kororsi, waxayna u sheegeen in uu dib ugu soo laabto miiska wada-hadallada.

Farmaajo ayaa raadinaya taageerada Midowga Afrika, waxa uuna la kulmayaa maanta guddoomiyaha midowga Afrika xilligan Madaxweyne Felix-Antonie Tshisekedi isagoo aad u daneenaya in ciidamda Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ay ku gacan siiyaan sidii uu kusii joogi lahaa laba sano oo kale, waxa uuna qorshaynayaa inuu meesha kasaaro hadallada xubnaha wakiilada Beesha Caalamka ee kale.

Amiirka Qatar ayaa la kulmay madaxweynaha Koongo 29/Maarso/2021 muddo 20 cesho kaddib waxaa maanta ku kulmaya magaalada Kinshaasa madaxweynayaasha labada waddan ee Soomaaliya iyo Koongo, warar hoose ayaa sheegaya in abaabulka kulanka maanta uu leeyahay boqorka waddanka Qatadar oo u gogol xaaray kulanka maanta oo la sheegay in dowladda Soomaaliya ay codsatay!

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.