Madaxtooyada oo dibad bax abaabuleysa

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Warar ay heshay keydmedia ayaa sheegaya in xarunta madaxtooyada uu ka abaabulayo madaxweyne Shariif Shiikh Axmed dibad baxayo looga soo horjeedo shirka QM ay ku abaabuleyso magaalada Nairobi ee caasimada kenya.
Warar Keydmedia Online
Madaxtooyada oo dibad bax abaabuleysa

Ilo xog-ogaal ah oo ka agdhaw madaxtooyada Soomaaliya  ayaa waxa ay u sheegeen keydmedia in madaxweyna Shariif lacag dhan 100-kun oo doolarka maraykanka ah uu ku bixinayo abaabulka iyo taaba galinta dibad baxayadaasi si dunida looga gado fakar aan sax aheyn oo lagu sheegayo inuu ka yimid bulshada Soomaaliyeed.

Dibad baxyadan ayaa loo madlanyahay maalinka khamiista ah ee soo socda iyadoona laga cabsi qaba in fatqalalo ammaan ay dhacdo sida horayba u dhacday, waxaana dadku ay shaki galinayaan ka qeyb galka dibad baxaaasi, wallow hadana lacago lagu bixinayo sida xogaha ay tilmaamayaan.

WWW.KEYDMEDIA.NET




Warar 20 February 2021 1:45

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in dad gaaraya 20 qof ay ku dhimatay dagaalka Muqdisho, inkastoo macluumadka ay Keydmedia Online haleysa sheegaya in ku dhawaad 60 qof ay ku dhinteen.