Madaxweyne ka digay in AMISOM laga saaro Soomaaliya

Madaxweynaha Dalka Burundi Ndayishimiye, ayaa sheegay in sku dayga lagu yareynayo AMISOM, ay waajib tahay in lagala tashto wadamada ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Madaxweyne ka digay in AMISOM laga saaro Soomaaliya

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Burundi Evariste Ndayishimiye, oo tixraacayay qorshayaasha lagu dhimayo ciidamada Africa ka jooga Soomaaliya si loogu diyaar garoobo in si buuxda ajaanibta looga saaro dalka, taasoo qayb ka ahayd talo soo jeedintii Golaha Ammaanka ee 2017, ayaa ka digay joojinta Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Madaxweyne Ndayishimiye, oo ka hadlay shir jaraa'id isagoo ku sugan magaalada Kisumu, Isniintii, oo ka billaabaneysay booqashadiisa laba maalmood ee Kenya ayaa taa badalkeeda wuxuu ku baaqay wadatashi ka hor inta aan go'aanka noocaas ah la dhaqan galin.

Qorshe kasta oo la doonayo in lagu yareeyo ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya waa in la tixgeliyaa heerka ay gaarsiisan tahay khatarta kooxda argagixisada Al Shabaab si aan loo lumin qeyb ka mid ah dhulkii ay horay u qabsatay AMISOM”. Ayuu yiri Ndayishimiye.

Dhanka kale isagoo u muuqda inuu la hadlayo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayuu sheegay in loo baahan in arrintaan lagala tashto dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya iyo Midowga Afrika.

“Dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya iyo sidoo kale Midowga Afrika waa in lagala tashadaa qorshe kasta oo lagu dhimayo ciidamada ka jooga Soomaaliya, ”ayuu yiri Ndayishimiye oo hadal ka jeedinaya xarunta loo yaqaan 'Lodge oo ku taalla Kisumu Kenya.

AMISOM waxay soo gashay Soomaaliya 2007, Si ay Dowladda Soomaaliya kaga taageerto la dagaallanka Al Shabaab iyo kooxaha kale ee xag jirka ah. Wadamada ay ka socdaan ciidamada AMISOM waxaa ka mid ah Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda.

Ciidamada AMISOM ayaa loo qorsheeyay in ay baxaan December 2021 kadib markii Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay (UNSC) ay kordhiyeen mudadii hore loo qabtay oo ahayd 28-ka Febraayo.

KEYDMEDIA  ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.