Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa galabta ka degay degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Saciid Cabdullahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray degaanada Galmudug, wuxuuna ka degay magaalada Cadaado.
Madaxweyne Deni ayaa ciidamo iyo gaadiidka aan xabaddu karin uga soo harreeyeen Cadaado, markii uu soo degay kadib ayayna u galbiyeen Dhuusamareeb.
Xaalad amin ayaa loo aaneeyay sababta uu Dani uga degay Cadaado, kaddib markii xalay madaafiic lagu weerayay goobo uu jiro Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb.
Socdaalka Madaxweyne Puntland ayaa la xiriira qabsoomidda shirkii u dhawaan ku baaqay MW Soomaaliya kaas oo dhexmari doona Madaxda DFS iyo Dowladaha xubnaha ka ah.
Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Rooble ‘Rogane’, Madaweynayaasha Koofur Galbeed, HirShabeele, Jubbaland iyo gudoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa Dani kaga sii horreeya Magaalada Dhuusamareeb , waxaana la filayaa in uu dhawaan furmo shirka looga arin sanayo arrimaha doorashooyinka.
Madaxweynaha Galmudug ayaa dhiggiisa Puntland waddada uga hor tagi doona, si uu soo dhoweeyo.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments