Madaxweynaha Turkiga oo diiday inuu la kulmo Farmaajo

Maxamed Cabudullaahi Farmaajo, ayaa waji-gabax kala kulmay dalab uu u diray Madaxweynaha Turkiga, kaas oo iska fogeeyay in Farmaajo la qaato kulan doceed, kadib marka uu dhamaado, shir la filayo inuu todobaadkaan ka dhaco Antalya.

Warar Keydmedia Online
Madaxweynaha Turkiga oo diiday inuu la kulmo Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddada xil-heyntu ka dhamaatay ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, aya la filayaa inu todobaadkaan u socdaalo waddanka turkiga, halkaas uu kaga qeyb galayo,  shirka Diblomaasiyada adduunka oo ka dhacaya magaalo xeebeedka dalxiiska ku wanaagsan ee Antalya, 18-ka ilaa 20-ka bishaan.

Shirka Madasha Diblomaasiyadda ee Antalya, ayaa sanadkan la filayaa in ay ka soo qeyb galaan, 12 Madaxweyne, 47 Wasiir arrimo dibadeed, wakiilo ka socda ururada gobolka iyo kuwa caalamiga ah, ganacsatada, hogaamiyaasha ra’yiga iyo aqoonyahano ka kala socda daafaha dunida.

Inkastoo aysan imaan doonin muraqya weynta reer galbeedka, hadana Madasha Antalya, waxaa looga hadlo doonaa fursadaha jira ee diblumaasiyadeed, dhibaatooyinka cunsuriyadda sii kordheysa, ajnabi naceybka iyo argagixisada khatarta ku ah guud ahaan aadanaha.

Keydmedia Online, ayaa ogaatay in Madaxtooyada Soomaaliya ay gudbisay dalab ku aaddan in shirka kadib uu Farmaajo kulan doceed la qaato Madaxweynaha Turkiga, hayeeshee, uu kulankaas diiday Recep Tayyip Erdogan, sababo la xariira waqtigiisa Farmaajo oo dhamaaday.

Erdogan wuxuu Farmaajo u arkaa in xilligiisii dhamaaday, waxa kaliya oo dhimanna ay tahay in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho, wuxuu doonaayaa inuu dhexdhexaadnimo u muujiyo musharixiinta ku loolameysa xilka Madaxweynaha, wuxuuna kulanka Farmaajo kaga dheeraaday in aan loo fahmin inuu dhisayo taliskii hore.

Dhanka kale, waxaa la filayaa in Farmaajo, la kulmo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, oo qudhiisu qeyb ka ah madaxda ka qeyb gali doonta Madasha, waxaana kulankaas gadaal ka riixaya Amiirka Dalka Qatar, oo hore u diiday inuu waddankiisu ka qeyb galo, shirka uu qaban qaabiyay Erdogan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.