Dhageyso: Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay Muranka Dekedda Hobyo

Gaalkacyo (KON) - Madaxweyanaha Maamulka Galmudug Jen. Cabdi Qeybdiid, ayaa ka hadlay muranka ka taagan Dekedda ku taalla Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug.
Warar Keydmedia Online
Dhageyso: Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay Muranka Dekedda Hobyo

Madaxweyne Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in Dekedda ay tahay mid ka dhaxaysa Shacabka Soomaaliyeed, oo uusan lahayn Shaqsi ama Maamul gaara ah, isagoo hoosta ka xariiqay in Dekedda Maamulkeeda uu hoostaga Dowladda Soomaaliya.

“Dekedda waxaa dhisaya hadda Shirkad si gaar ah loo leeyahay, oo Ganacsi ah oo Cid walba ayaa ku jirta waxa ayna ka dhaxaysa Ummadda Soomaaliyeed, waxaana ay hoostagtaa Dowladda Soomaaliya, ma ahan mid ay maal geliyeen Maamulada Galmudug & Ximin & Xeeb kaliya,” ayuu yiri Madaxweyne Cabdi Qeybdiid.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ku baaqay in Shacabka dega Gobolada Dhexe looga faa’ideeyo Dekedda Hobyo, oo dhawaan lagu wado in dib loo howlgeliyo markii ay dhamaato Howsha dib u dhiska ah ee socota.

“Halka Shacabka Deegaanada Galmudug & Ximin & Xeeb meel 1000 Km u jirta looga keeni lahaa Bariis ama Bur, waxaa wanaagsan in Dekeda Hobyo la howl geliyo, dadkana ay si siman uga faa’ideystaan, gacmahana la is-qabsado, waayo waanu isku baahanahay,” Ayuu yiri Jen. Cabdi Qeybdiid.

Ganacsato kasoo jeeda Maamulka Ximin & Xeeb ayaa sheegay in Dekedda Hobyo uu hoostaga, halka Galmudug ay arintaasi kasoo horjeeda, waxaana jira Khilaaf u dhaxeeya Ganacsato kasoo jeeda Labada Maamul oo ku aadan Dekedda kaasi oo aan wali Xal Rasmi ah laga gaarin.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho