Madaxweynaha oo Magacaabay RW Cusub

Muqdisho (KON) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Caawa C/weli Sheekh Axmed Sheekh Maxamed u Magacaabay Raisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya.
Warar Keydmedia Online
Madaxweynaha oo Magacaabay RW Cusub

Warbaahinta ayaa looga yeeray xarunta madaxtooyada Soomaaliya si ay goobjoog uga noqdaan Magacaabidda Ra’iisul wasaaraha Cusub.

Raisul Wasaaraha Cusub ayaa mudo dheer ka ka shaqeyn jiray Bankiga Islaamka oo ay xaruntiisa tahay Dalka Sacuudiga. C/weli Sheekh waxa uu kasoo jeedaa Beesha Mareexaan.

C/wali Sheekh Axmed waxa uu ku dhashay Degmada Baardheere Sanadkii 1959.

Labadii Maalmood ee lasoo dhaafay ayaa waxaa la hadal hayay in Cabdiwaxid Cilmi Goonjeex loo Magacaabi doono Raisul Wasaaraha Cusub.

Taariikh Nololeedkiisa dib ayaan idin kala socodsiin doonaa Insha Allah!

Wixii Faahfaahin ah fillo dhawaan...

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho




Warar 21 October 2020 9:51

Farmaajo ayaa qorsheynaya inuu xilka ka qaado taliyeyaasha Ciidamada Militeriga, Booliska iyo Asluubta, iyadoo sidoo kale isbedel lagu sameynayo talisyada laamaha Amniga degmooyinka Gobolka Banadir, sida ay ogaatay Keydmedia Online.