Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka hadlay Soo magacaabista Wasiirada

Muqdisho (KON) - Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sh. Maxamuud ayaa ka hadlay markii ugu horeysay Dib u dhaca ku yimid soo Magacaabista Golaha Wasiirada Cusub.
Warar Keydmedia Online
Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka hadlay Soo magacaabista Wasiirada

Xasan Sh Maxamuud oo maanta ka hadlayey Munaasabad dib loogu furayey Xaruunta Vila Hargeeysa oo lagu wado in ay ku Shaqeeyaan Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Gudiyadiisa ayaa sheegay in Dib u dhaca Golaha wasiirada ay yihiin R/wasaaraha oo ku mashquulsan latashiyadii ugu danbeeyey.

Madaxweynaha Soomaalia ayaa sheegay in Raisul wasaaraha Soomaalia uu ka rajeenayo in uu Si Deg-deg ah u soo magacaabo Wasiiro tayo leh oo Gudan kara Howsha loo magacaabay.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaalia ayaa Baarlamanka Soomaalia ugu Hanbalyey sida wanaagsan oo ay ula Shaqeeyaan Xukumada iyo Madaxtooyada Soomaalia.

R/wasaaraha Soomaalia ayaa Maalmahaan ku Mashquulsanaa sidii uu u soo magacaabi lahaa Xubnaha Golaha Wasiirada Soomaalia.

Keydmedia online - Xafiiska Muqdisho