Madaxweynayaashii hore ee Galmudug oo kulmay

Saddexdii madaxweyne ee hore ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta ku kulmay magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Madaxweynayaashii hore ee Galmudug oo kulmay

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynayaashii hore ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta ku kulmay magaalada Muqdisho markii ugu horreysay. 

Madaxweyniha Galmudug ee xilligan Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo uu wehliyo madaxweynihii ugu horreeyay Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa hoygiisa ku booqday madaxweynihii labaad ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf isagoo ku sugan magaalada Muqdisho.

Kulanka saddex geesoodka ah ayaa ujeedadiisu ay ahayd is-xog-wareysi siyaasiyiinta reer Galmudug ay ka yeelanayaan xaaladda kala guurka ee doorashooyinka dalka.

Axmed Qoorqoor waxa uu kamid yahay mas'uuliyiinta Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka dalka, waxa uuna kamid yahay toddobada mas'uul ee ugu sarreysa go'aan ka gaarista arrimaha doorashooyinka dalka, waxa uu u xusul duubayaa in uu qeyb ka noqdo madaxweynaha imaan doona saddex bil maddib markii ay dhacdo doorashada.

Cabdikariin Xuseen Guuleed waxa uu kamid yahay golaha midowga musharaxiiinta, waxa uu uxusul duubayaa inuu noqdo madaxweynaha afarta sano ee soo socota ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 2021-2025.

Axmed Geelle Ducaale Xaaf oo horay usoo noqday mudane Golaha Shacabka BJFS intii udhaxaysay 2000 - 2016, kaddibna muddo laba sano ah ayuu soo noqday madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug.

Saddexda mas'uul ayaa saameyn ku leh arrimaha doorashooyinka, waxayna maanta si hoose uga wada hadleen xaaladda doorashada dalka.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.