Madaxweynayashii hore oo shir la leh Cali Guudlaawe

Shir u dhaxeeya Madaxweynayaashii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, Xildhibaan Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe. ayaa hadda ka socda Magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Madaxweynayashii hore oo shir la leh Cali Guudlaawe

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynayaashii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa loo xil saaray in ay war rasmi ah ka keenaan Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe, kadib kulan xalay dhex maray, Golaha Midowga Musharixiinta iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’.

Kulanka hadda socda waxaa looga hadlayaa, sababta Guudlaawe ku qasabtay inuu soo dhaweeyo warqaada muddo kodhinta, isla markaana uu u doortay in dalku uu galo gacan kalitalis, taas oo sababi doonta burbur iyo barakac hor leh.

Kulankii xalay dhex maray Qoorqoor iyo Golaha Midowga Musharixiinta, waxaa la isla gartay in Madaxweynayashii hore ay doonaan Guudlaawe, kuna qanciyaan inuu ka laabto go’aanka uu qaatay, Madaxweynaha Galmudug, ayaana ballan qaaday in maamulkiisu uusan marnaba ogolaan doonin muddo kordhin.

Madaxweynayaashii hore ayaa soo dhaweeyay doorashii boobka ahayd ee Cali Guudlaawe, waxayna u arkayeen nin ku heyb ah oo qunyar socod ah, hayeeshee Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa hadda u muuqda inuu si cad ula saftay Farmaajo.

Waraaq ay diyaarisay Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa dhawaan lagu qasbay Maamullada Galmudug, hirShabeelle iyo Koofur Galbeed in ay soo dhaweeyaan muddo kordhinta uu Golaha Shacabku u sameeyay hay’adaha sharci dajinta iyo Fulinta, taas oo si cad uu ugu gacan seyray Qoorqoor, halka uu soo dhaweeyay guudlaawe.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.