Dani iyo Beesha caalamka oo shir uga socda Garoowe

Kulankan ayaa arrimo muhiim ah looga hadlayaa.

Warar Keydmedia Online
Dani iyo Beesha caalamka oo shir uga socda Garoowe

Magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal waxaa goor-dhow gaaray wafdi ka socda xubnaha beesha caalamka ee taageerada siiya dowladda Soomaaliya.

Wafdigan ayaa isugu jira xubno ka socda QM,EU,AU iyo IGAD, waxaana kulan ay kula qaadanayaan madaxtooyada Garoowe madaxweynaha Puntland, Saciid C/laahi Dani.

Ulajeedka ay wafdigan u tageen Garoowe ayaa ah in ay madaxweyne Dani kala hadlaan arrimaha doorashooyinka dalka iyo sidii looga gudbi lahaa xaaladda cakiran ee siyaasadeed.

La soco wixii kusoo kordha kulankan.

KEYMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.