Madaxweyne Deni oo daaha ka qaaday arrimo qarsoonaa

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo xalay qabatay shir jaraa’id ayaa ka hadlay xaaladda uu ku sugan yahay waddanku, siyaasadda Farmaajo iyo damaciisa ku aaddan doorashooyinka.

Warar Keydmedia Online
Madaxweyne Deni oo daaha ka qaaday arrimo qarsoonaa

GAROWE, Soomaaliya - Saciid Cabdullahi Deni oo shirkiisa jaraa’id uu qaatay in ka badan hal saac ayaaa si faahfaasan uga hadalay arriimo badan oo ku gadaaman xilliga kala guurka.

Deni, wuxuu ka sheekeeyay wixii dalka ka dhacay tan iyo markii uu yimid Madaxweynaha uu waqigu ka dhamaaday ee Farmaajo, wuxuuna carrabka ku dhuftay dhowr dhacdo oo anfariir iyo la yaab ku noqotay bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo ka hadlay arrin kasta oo masiiri ah ayaa Farmaajo ku eedeeyay inuu yahay nin u bira tumaya qabyaalad qaawan iyo dagaallo sokeeye oo ka qarxa Muqdiho kadibna ku faafa Soomaaliya oo dhan.

Saciid Cabdullahi Deni wuxuu shaaca ka qaaday in Farmaajo in ka badan labo jeer inta soo wacay uu yiri dadka Xamar dagan xoog ayaan ku heystaa mana hadli karaan oo kii iga hor yimaadana waan dilayaa ama waan xirayaa.

Waxyaabaha la yaabka leh ee Dani ka shekeeyay waxaaa ka mid ah in Farmaajo diiday nuuc kasta oo heshiis ah oo la soo bandhigay oo ku wajahan xalka gobolka Gedo, wuxuuna si cad ugu dooday in uusan ogoleyn in qabiilkiisa oo dagan Gedo uu maamulo Axmed Madobe.

Madaxweyne Dani wuxuu ka shifay siro badan oo Farmaajo u duugan wuxuuna caddeeyay in uusan u socan doorasho la is la ogolyahay  ooo xalaal ah, isla markaana uu doonayo muddo kordhin ama doorasho boob ah.

Ciidamada Gor-gor ayuu sheegay in Fahad iyyo Farmaajo u tababareen sida Al-Shabaab oo kale oo ay yihiin kuwo aan sharciga dhowrin qofkii loo dirana ay qaarijiyaan.

Qodbada Dani oo meelo badan taabaneysay wuxuu ku xusan in siyaasiyiinta ka soo hor jeedda Frmaajo ee uu isagu ka mid yahay aysan Muqdisho isku hallayn karin oo xitaa cuntada Magaalada aan la cuni karin oo in sun lagu daro laga cabsanayo.

Kooxda Villa Soomaliya joogta ayuu la bar-bar dhigay Al-Shabaab, wuxuuna yiri, “Ma Al- Shabaab ayaan ka baqnaa mise Villa Soomaaliya ayaan ka cabsanna”.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 February 2021 1:45

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in dad gaaraya 20 qof ay ku dhimatay dagaalka Muqdisho, inkastoo macluumadka ay Keydmedia Online haleysa sheegaya in ku dhawaad 60 qof ay ku dhinteen.