Madaxweyne Farmaajo ayaa u burburiyay shirkii Afisiyooni 3 qodob

Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo ayaa gabi ahaanba burburiyay shirkii hordhaca ahaa ee u dhaxeeyay isaga iyo madaxda dowlad goboleedyada, waxa uuna u burburiyay 3 qodob dartood.

Warar Keydmedia Online
Madaxweyne Farmaajo ayaa u burburiyay shirkii Afisiyooni 3 qodob

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha weli ka fuqi la' kursiga ugu sarreeya dalka ee uu sharci ahaan ku guuleystay afar sano kahor ayaa weli u sii seeta-dheereysanaya sidii u usii joogi lahaa xafiiska Villa Somalia. Farmaajo ayaa diiday in Ajandaha shirka lagu daro saddex qodob oo uu ka doortay in lagu kala tago shirka horudhaca ah:-

  1. Madaxweyne Farmaajo ayaa diiday in laga hadlo muddo xileedkiisa iyo kan Baarlamaanka labadiisa aqal, waxa uuna ku dooday in heshiiskii 17- ka Septembar uusan kamid ahayn qodobkaas, balse dhinaca kale waxay ku doodayaan in xilligaas aan la gaarin muddo xileedkii madaxweynaha iyo kan Baarlamanka, sidaas darteedna aan loo baahneen in xilligaas laga hadlo muddo xileed, balse immika ay tahay muhiim maadaama muddo xileedkii dhammaaday.
  2. Sidoo kale wuxuu diiday in laga hadlo mas'uuliyada amniga dalka xilliga doorashada, halkaas waxaa ku jira qorshe ah inuu isaga maamulo, dhinacyada kasoo horjeedana waxay fahansan yihiin in haddii uu isagu maamulo oo guddi uu magacawday uu udhiibo ammaanka doorashada in ay awood ciidan u adeegsan doonaan doorashada Farmaajo iyo kooxdiisa.
  3. Waxaa kale ee ugu daran in Soomalida iyo beesha caalamkaba ay marqaati ka noqdaan wadahadalka, si loo ogaado cida gardaran, arrintaasi oo dhabar-jab weyn ku ah Farmaajo maadaama uu doonayo inuu kaligii sameysto doorasho uu awood ku maamulo! Inta kahorreysana waxa uu doonayaa in uu bulshada usheego in uu tanaasul sameeyay, wax walibana ay diideen dhinacyada isaga kasoo horjeeda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa bixiyay amar ah in Wasiir Dubbe uu la hadlo warbaahinta, eedda fashilka shirkana wuxuu yiri dusha halaga saaro madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, sidii caadada ahayd natiijo xumida shirka waxaa ku dhawaaqay Wasiir Dubbe.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.