Cabdi Xaashi oo dhaliilay ka maqnaanshaha Somaliland ee Shirka Dhuusamareeb 

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BJFS Mudane Senator Cabdi Xaashi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa eedeyn usoo jeediyay madaxweyne Farmaajo.

Warar Keydmedia Online
Cabdi Xaashi oo dhaliilay ka maqnaanshaha Somaliland ee Shirka Dhuusamareeb 

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi oo codsaday in uu ka qeyb galo Shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ee ka furmaya Dhuusamareb ayaa loo diiday inuu ka qeyb galo shirkaasi.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ku eedeeyay ka maqnaashiyaha shirkaasi inuu eedeeda leeyahay Madaxweyne Farmaajo oo iska indha-tiraya doorka uu leeyahay guddoomiyaha ee ku aaddan matalaaddiisa Somaliland.

Cabdi Xaashi ayaa yiri “Sida ku cad dastuurka dalka qodobkiisa 61 -aad, Matalaha dowlad goboleedyada waa ilaaliyaha nidaamka federaalka” sidoo kale wuxuu ku eedeeyay in Madaxweynuhu uusan aqoonsaneen oo uusan tixgalin dastuurka, “Aqalka sare ayaa ah dhexdhexaadiyaha dowladda iyo dowlad goboleedyada, lamana siin mudnaantiisa” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi

Waxa uu muujiyay sida uu uga xun yahay inuusan ka qeyb galin Shirka lagu qabanayo Dhuusamareeb isagoo ah mas’uulka ugu sarreeya Aqalka Sare, Madaxweynaha jamhuuriyadda inuusan aqoonsaneen nidaamka federaalka ayuu goobta ka sheegay.

Waxaa kale oo uu yiri Guddoomiye Xaashi “In soomaaliland ay ka maqantahay ayuu moogyahay madaxweynuhu” wuxuuna ku dooday in isaga la doortay laba mar:

  1. Mar waxaa doortay Shacabka Somaliland ee ku dhaqan magaalada Muqdisho, matalaadoodana uu ku yimid meesha, isagoo noqday wakiilkooda aqalka sare ee baarlamanka.
  2. Marka xigtana waxaa doortay Aqalka Sare BJFS oo uu noqday Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare.

Labadii Mataaalad ee uu meesha ku joogay waxaa cagta mariyay madaxweyne Farmaajo oo diiday inuu kasoo qeyb galo guddoomiye Cabdi Xaashi shirka looga arrinsanayo muranka ka taagan doorashooyinka, waxa uuna carrabka ku adkeeyay in madaxweyne Farmaajo oo kasoo hor jeedo midnimada umadda Soomaaliyeed.

Beesha Caalamka ayaa ku cadaadisay madaxweyne Farmaajo inuu wada-hadal isugu keeno dhinacyada isku haya doorashooyinka si looga qanciyo, isagoo kala cararaya in ay kasoo qeyb galaan midowga musharaxiinta iyo guddoomiye Cabdi Xaashi ayuu shirka uga dhigay Dhuusamareeb.

Waxaa xusid mudan inuu shirka ka qeyb galayo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ee aan doorasho ku imaan, waana mas’uulka kaliya ee matalaya mid kamida gobollada dalka isagoo ah mas’uul uu soo magacaabay madaxweynaha.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.