Madaxweyne Farmaajo oo loogu baaqay inuu is casilo

Farmaajo ayaa markii uu waqtiga kasii dhammaaday waxaa la macaatay sii joogista Villa Somalia.

Warar Keydmedia Online
Madaxweyne Farmaajo oo loogu baaqay inuu is casilo

Suldaan C/casiis Bayle oo ah suldaanka beelaha Daarood ayaa ugu baaqay Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo in uu xilka iska casilo, bedalkii uu dalka gelin lahaa dagaal sokeeye.

Suldaanka ayaa sheegay in Farmaajo aanu u qalmin inuu xilka sii haayo, loona baahan yahay inuu u hoggaansamo baaqyada ku aaddan doorashooyinka.

Sidoo kale, Suldaan Bayle ayaa tilmaamay in waqti xaadirkaan aanu dalka qaadi karin colaad iyo kala qob-qob.

"Waxaan leeyahay Farmaajo, shalay waxaa lagu doortay si wanaagsan oo saraf ku jirto, shacabka oo dhanna waa ay kusoo dhaweeyeen, laakiinse maata sidii shalay laguu siiyey umaadan hambeyn, ee fadlan is casil dalkaan colaad maq aadi kare" ayuu yiri Suldaanka.

Farmaajo ayaa ku adkeysanaya in dalka ay ka dhacdo doorasho isaga uu rabo si uu mar kale u qabto xilka madaxweyne, wallow ay siyaasiyiinta isaga la tartameysa diiddan yihiin nidaamka uu hadda wax u wado. 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.