Is-faham hordhac ah oo laga gaaray Shirka Dhuusamareeb

Waxaa maalintii labaad galay shirka Dowlad Goboleedyada, Gobalka Banaadir iyo Dowladda Federaalka, uga socda magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, waxaana jira is faham hor dhac ah oo la gaaray.

Warar Keydmedia Online
Is-faham hordhac ah oo laga gaaray Shirka Dhuusamareeb

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Sida Keydmedia Online horey u baahisay shirka Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu gaaray is-faham qaar kamid ah qodobada laga doodayay, oo uu kamid yahay guddiga soo xulaya Xildhibaanada Goballada Waqooyi [Somaliland], taas oo ay isku hayaan Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Madaxweyne Farmaajo.

Qodobkaan ayaa laga gaaray isku soo dhawaansho iyo heshiis hordhac ah, iyadoo Madaxda Maamul Goboleedyaduna qadka taleefanka kula haldeen Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo shalay Shir jaraa'id oo uu ku qabtay Muqdisho ku sheegay in loo diiday inuu ka qeybgali Shirka.

Madaxwayne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay horumarro in laga sameeyay Shirka socda maalintii labaad, wuxuuna sheegay in qodobka soo xulidda Xildhibaanada Somaliland la isla gartay in gudiga xubnihiisa isla soo magacaabaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.

“Inta aan ka war haayo qodobkii ugu horreyay oo dhanka Somaliland ah is faham aad u ballaaran ayaa laga gaaray waxna wayn ka dhiman yihiin", ayuu yiri Cali Daahir Ciid.

Madaxwayne ku xigeenka Galmudug wuxuu sheegay in madaxda shirka ka qeyb galeysa ay Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Rai'sul Wasaara ku xigeenka u xil saareen kasoo- tala bixinta sida ugu wanaagsan ee loo maareyn karo waxyaabaha dhiman ee dhexdooda ah.

Cali Daahir Ciid, wuxuu carrabka ku dhuftay in loo gudbay wajiga 2aad ee shirka, waxaana meel adag maraya ka hadlidda arrinka Gobalka Gedo oo ka mid ah tiirarka ugu adag ee la isku hayo, waxaana la filayaa in galinka hore ee maanta arrintaas go’aan laga soo saaro.

KON ayaa sidoo kale ogaatey in madaxda ay is-faham ka gaareen arinta gudiga doorashadda ee lagu muransan yahay, kaasoo dib u eegis lagu sameyn doono, islamarkaana laga saarey xubnaha sababay khilaafka ee katirsan NISA iyo shaqaalaha dowladda.

Waxaa la saadaalinyaa in shirku uusan qaadan doonin waqtigii la filayay, waxaana laga yaabaa in la soo gabagabeeyo ilaa caawa, Madaxweynaha Soomaaliya oo Baarlamaanka ballamiyay shanta bisha oo jimcaha ku beegan ayaa la filayaa inuu Sabtiga hor tago.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.