Madaxweyne Laftagareen oo la shiray Golaha amniga KGS

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Laftagareen ayaa shir guddoominayay kulan looga hadlayay amniga deegaanada KGS

Warar Keydmedia Online
Madaxweyne Laftagareen oo la shiray Golaha amniga KGS

BAYDHABO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir gudoomiyey shirka Gollaha amniga Koonfur Galbeed oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Amniga, Saraakiisha laamaha Amniga qeybahooda kala duwan waxaana shirka warbixin looga dhagaystay qaar kamid ah saraakiisha laamaha amniga waxaana ay sheegeen in qeybaha kala duwan ee ciidanka ay habeen iyo maalin ku jiraan howlgallo lagu sugayo Amniga degaannada Koonfur Galbeed lagagana hortago dhibaatooyinka kooxda Al-Shabaab ay u geystaan shacabka ku nool gobollada Koonfur Galbeed.

Degaannada Koonfur Galbeed ayaa waxay kamid yihiin dhulka ay ka jirto dhibaatada xooggan, waxaana gacanta ku haya deeganno fara badan oo kamida KGS kooxda Al-Shabaab, waxaa go'doonsan dhowr magaalo oo hoostaga maamulkaasi, waxaana dhibaato xoog leh ay kasoo gaartaa dadka shacabka ah ee halkaasi ku dhaqan. Caasimadda maamulkaasi Baraawe waxaa afarta jiho ka xiga Al-Shabaab, raashiinka iyo waxyaabaha kale ee nolosha ku xiran waxaa lagu gaarsiiyaa Doomo iyo diyaarado.

Maamulka madaxweynaha talada haya ee Laftagareen waxba kama qaban dhinaca ammaanka intii uu meesha joogay, xilliyadii u dambeeyayna waxa uu ku mashquulsanaa arrinta doorashooyinka isagoo kamid ahaa taageerayaashii Farmaajo ee u gogol xaarayay muddo kororsigii lagu dhawaaqay 12 April 2021.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].