Waare oo ka hadlay colaadda degmada Warsheekh

Madaxweyne Waare ayaa nasiib darro ku tilmaamay dagaal beeleedyada halkaas ka soo cusboonaaday, isagoona ku baaqay in la damiyo. 

Warar Keydmedia Online
Waare oo ka hadlay colaadda degmada Warsheekh

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa nasiib darro ku tilmaamay dagaal beeleedyo ka soo cusboonaanayo tuulooyinka hoos taga degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Waare iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Hirshabeelle oo xalay ku hoyday degmada Warsheekh ayaa halkaas ka bilaabay kulamo xal loogu raadinayo colaad u dhaxeyso beelo walaalo ah oo maalmihii la soo dhaafay halkaas dirir ku dhex martay, isagoona shaaca ka qaaday in tallaabo laga qaadi dadka ka dambeeyay. 

Waxaa uu soo hadla qaaday oday 95 sano jir oo shalay lagu dilay tuulo hoos tagto degmada Warsheekh, isagoona sheegay in ay nasiib darro tahay in dadka dhacdadaasi ka dambeeyay ay u gol leeyihiin horinta dagaal beeleed hor leh oo laga dhex abuuro bulshada walaalaha ah ee halkaas ku nool.

" Xumaato ayaa laga leeyahay dilka odayga 95 jirka ah, dadkii ka dambeeyay waxey doonayaan horinta dagaal beeleed, marabno sidaas, degmadaan hor marka ay ku talaabsaneyso dhaawac ayay ku tahay. " ayuu yiri madaxweyne Waare oo bulshada halkaas kula hadlay

Degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo qiyaastii 65 KM dhinaca waqooyi ka xigto Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay aheyd mid nabdoon oo hor mar deegaanka ah ku tallaabsaneysay, waxaana la arkayay dadweyne u dalxiis tegayay magaalo xeebeedkaan.

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 14 September 2020 23:49

    Keydmedia Online ayaa waxaa soo gaartay nuxurka Shirka Muqdisho ee Dowladda Federaalka iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo goor dhawayd lagu soo kala dareeray maalinkii Labaad.