MW Xaaf oo si weyn loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo u taagan ka mid noqoshada Golaha Aqalka Sare ee BFS, ayaa maanta gaaray Dhuusamareeb.

Warar Keydmedia Online
MW Xaaf oo si weyn loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamuulka GM, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Ugaas Nuur.

MW Xaaf oo ka mid ah musharixiinta u tartamaya mid ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayay soo dhaweyntiisa ka qeyb galeen xildhibaanno aad u fara badan oo ka tirsan kuwa Galmudug, wasiirro, saraakil ciidan iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa u sharaxan kursiga Aqalka Sare ee Afartii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), oo qudhiisu u dadaal xooggan ugu jira inuu ku soo laabto kursiga.

Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), oo dadkii soo dhaweynayay kula hadlay Garoonka, ayaa Xildhibaannada maamulka, ka codsaday in ay u abaal gudaan, maadaama uu isagu masuul ka ahaa in in ay ku shaqeeyaan Dhuusamareeb oo ah Xarunta Maamulka.

Kursiga uu tartamayo MW Xaaf ayaa la rumeysan yahay inuu yahay kursiga tartanka ugu adag uu ka dhici doono, haddii uu Madaxweyanaha Galmudug Qoorqoor, ku qada qoro Xaaf iyo Qaybdiid.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.