‘Madaxweyne’ kale oo lagu doortay Baydhabo

Baydhabo (KON) - Shirkii Labaad ee ka socday Baydhabo, ee maamulka Saddexda Gobol ee Koonfur-Galbeed Soomaaliya ayaa la sheegay in lagu doortay Maanta Madaxweyne.
Warar Keydmedia Online
‘Madaxweyne’ kale oo lagu doortay Baydhabo

Shirkii Maamul u sameynta Saddexda Gobol Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose oo ay Maalgalisay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Saakay lagu doortay Madaxweyne.

Maxamed Xaaji Cabdinuur ayaa la sheegay in uu yahay Madaxweynaha cusub ee ku guuleystay doorashada ka dhacday hoteelka Bakiin ee magaalada Baydhabo.

Xildhibaan Shariif Xasan Sheikh Aadan oo u Ololeynayay Maamulka Saddexda Gobol ayaa ka dambeeya Doorashada Maxamed Xaaji, waxeyna yihiin Walaalo dhinaca Hooyada.

Maxamed Xaaji Cabdinuur ayaa sida la sheegay ku Cusub Siyaasadda, waxuuna la dhashay Xildhibaan Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Doorashadaan ayaa imaanaysa xilli horey magaalada Baydhabo looga dhawaaqay Maamul ka kooban Lix gobol oo ay Taageerayaan Shacabka Gobollada, waxaana madaxweyne u ah Madoobe Nuunow.

Xildhibaan Shariif Xasan, ayaa si Qasab ah Shalay oo Arbaco ah looga soo saaray Magaalada Baydhobo, ee Xarunta Gobolka Baay.

Dibadbaxyo socday 4 Maalmood ayaa ugu dambeyntii ku kaliftay Shariif Xasan in uu isaga soo baxo Baydhobo, oo uu dib ugu laabto Halkii laga soo diray ee Muqdisho.

Keydmedia Online - Xafiiska Baladweyne